Xukuumadda Albaabada u xidhay Xarumaha Telefishanka HCTV ee Hargeysa

Hargeysa, 14 January, 2012 (SLpost)– Xukuumadda Somaliland ayaa Goor dhawayd xilli ku beegan 7:20 PM albaabada u xidhay xarunta Guud iyo Xarunta maamulka ee Telefishanka Horn Cable Tv  ee magaalada Hargeysa.

Go’aanka Xukuumaddu ku go’aansatay inay Albaabada u laabto isla markaaan xabsiga loo taxaabo Wariye Ilig, ayaa salka ku haysa Eedaymo madaxweyne Siilaanyo maanta ugu jeediyey Telefishanka wakhti uu Khudbad ka jeedinayey labada gole baarlamaan, isaga oo ku tilmaamay inuu telefishankani ku dhaqaaqay ficillo xambaarsan barobagaando iyo qaran-dumis.

Dad goob-joog ah ayaa sheegay in Ciidamo boolis ay caawa fiidkii la wareegeen xafiisyada kala duwan ee telefiishanka isla-markaana diideen in wax shaqo ah ka socoto iyada oo dibadda looga soo wada saaray guud ahaan hawl-wadeenada  ee Telefiishanka HCTV.

Maaha markii ugu horreysay ee HCTV albaabada loo laabo, haseyeeshee, tallaabadii tan xigtay waxay ahayd 28 September, 2009 oo ku beegnay sannadkii ugu dambeeyey ee maamulkii UDUB wakhtigaas oo  ciidamo boolis ah oo aad u hubaysan ay albaabada u laabeen xarunta telefishanka ee badhtamaha magaalada Hargeysa isla markaana ay xabsiga u taxaabeen Wariye Maxamed Cabdi Ilig oo wakhtigaas ahaa madaxa Barnaamijyada ee telefishanka wakhtiyadii ugu dambeeyey ee maamulkii hore ee Xisbiga UDUB.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net