Xubin ka mid ah Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Is-casilay iyo Sababta

 

Hargeysa (SLpost)- Xubinta Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ugu jiray Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland, ayaa goor-dhawayd ku dhawaaqay inuu gebi ahaanba iska casilay xilkaas, isaga oo sababta go’aankiisa ku sifeeyey mid uu “ku badbaadinayo Somaliland”.

Xasan Yuusuf Ducaale  oo ka mid ah Lix xubnood oo ka mid ah Todobada Xubnood ee guddiga Doorashooyinka oo dhammaadka Sannadkii hore la dhaariyey, marka laga reebo xubinta Xisbiga WADDANI oo hore ugu gacan-saydhay inay ka mid noqdaaan Guddiga Cusub, ayaa go’aankiisan ku shaaciyey shir-jaraa’id oo uu gelinkii dambe ee maanta ku qabtay magaalada Hargeysa.

Xasan Yuusuf Ducaale waxa uu si gaar ah ugu mahad-naqay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo uu ku ammaanay inuu meel adag iska taagay ilaalinta Sharciga dalka maadaama aanu jirin sharci u jidaynaya inuu kala-diro Xubno komishanka kaddib markii Xisbiyada mucaaradku u soo jeediyeen inuu kala diro Guddiga Cusub ee Doorashooyinka si loo soo af-jaro khilaafkii ka dhashay arrintan.

Warkan oo Faahfaahsan kaga Bogo Muuqaalka Hoose

Go’aanka Iscasilaadda ee Xubinta Xisbiga UCID, ayaa ku soo beegmaya kaddib markii maalintii shalay uu madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad ka jeedinayey xuska munaasibadda 26-guurada Maalinta Ciidanka Qaranka, isagoo halkaas ka sheegay in Guddiga Cusub ee Doorashooyinku yihiin qaar sharci ku jooga, balse haddana waayo-aragnimadooda looga maarmi karin Guddigii hore ee doorashooyinka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo arrintan wax laga weydiiyey shalay, ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi beesha Caalamka ee taageerta Doorashooyinka Somaliland ku qanciyey inuu soo af-jarayo isla markaana wax ka qabanayo khilaafka u dhexeeya Xisbiyada ee la xidhiidha Guddiga Doorashooyinka cusub ee dhawaan la dhaariyey.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net