Xogo Cusub oo ka soo kordhay Loolanka Shir-guddoonka Golaha Wakiillada iyo Saadaasha Natiijada Fadhiga Berri

Hargeysa (SLpost)- Subaxnimada maalinta Berri oo Salaasa ah waxa Xarunta Golaha Wakiillada ka furmaya Fadhigii ugu horreeyey ee Xildhibaannada Golaha cusub ee dhawaan la doortay, waxaana la filayaa in fadhigaas lagu doorto shir-guddoonka Golahaas oo loolan adagi u dhexeeyo Xisbiga Kulmiye iyo Isbahaysiga Mucaaradka.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ka kooban 82 mudane, waxaana aqlabiyadda xildhibaannadu ka soo baxeen labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani halka Xisbiga Kulmiye ay ka soo baxeen 30 Xildhibaan.

Haseyeeshee, waxa jira loolan lagu kala jiidanayo xildhibaannada labada dhinac, waxaana wararku sheegayaan in Xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddiisu dedaal weyn ugu jiraan sidii ay u hanan lahaayeen qaar ka mid ah xildhibaannada mucaaradka inta ka dhiman, iyadoo ay hore u jireen garab ka tirsan xildhibaannada ka soo baxay xisbiga UCID oo isbahaysi la samaystay xisbiga Kulmiye.

Haddaba, waxa loolanka labada dhinac iyo natiijada laga fili karo fadhiga berri ka hadlay Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka tirsanaa Golihii Wakiillada ee Xilalka banneeyey, waxaanu sawir ka bixinayaa halka lakala marayo iyo saadaasha laga fili karo Fadhiga Berri ay isugu imanayaan Xildhibaannada Cusub ee Golaha wakiillada ee la filayo inay doortaan Shir-guddoonka Cusub ee Golahaas.