Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo ku dhawaaqay Isbahaysi Siyaasadeed ka dhan ah Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo Waddani, ayaa ku guulaystay aqlabiyadda Kuraaska Baarlamaanka iyo goleyaasha Deegaanka dalka, kaddib doorashooyinkii isku-sidkanaa ee 31-kii May ka qabsoomay dalka.

Kuraasta Golaha Wakiillada Somaliland oo ka kooban 82 Kursi, xisbiga Waddani ayaa ku guulaystay 31 Kursi halka Xisbiga dhiggiisa ah ee UCID helay 21 Kursi. Xisbi talada dalka haya ee Kulmiye waxa uu ku guulaystay 30 Kursi, taas oo ka dhigan in Xisbiyada mucaaradka ahi haystaan 52 Kursi oo Golaha Wakiillada ah.

Sidoo kale, Xisbiyada Mucaaradka ahi waxa ay ku guulasteen aqlabiyadda Kuraasta Goleyaasha Deegaanka oo ka kooban 220 Kursi. Xisbiga UCID waxa uu helay 48 Kursi, Xisbiga dhiggiisa ah ee Waddani waxa uu ku guulaystay 79 Kursi. Halka Xisbiga Kulmiye helay 93 Kursi.

Kaddib markii xalay lagu dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee Kuraasta Golaha Wakiillada Gobolka Maroodijeex iyo Degmada Hargeysa, labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo UCID, waxa ay maanta magaalada Hargeysa kaga dhawaaqeen Isbahaysi siyaasadeed oo ku doonayaan sidii ay labada xisbi gacanta ugu dhigi lahaayeen shir-guddoonka Aqalka Golaha Wakiillada iyo Maayarrada magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Muuqaalka Hoose kaga bogo Sida ay saddexda Xisbi ugu kala guulaysteen natiijooyinka doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee guud ahaan dalka