Xisbiyada Mucaaradka iyo Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay Habsami-u-socodka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

 

Boorama (SLpost)- Guddoomiyaha guddida doorashooyinka qaranka, Cabdirashiid Maxamed Cali (Cabdirashiid Rayo-raac) ayaa magaalada Boorama ku tegay kormeer la xidhiidho diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka oo maanta si rasmi ah uga bilaabantay degmo doorashooyinka gobolka Awdal iyo degmooyin ka tirsan gobolka Maroodi-jeex.

Guddoomiyaha waxa kormeerkiisa ku galaa-bixin doonaa degmooyinka, Tuulooyinka iyo goobaha ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee labada gobol.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinku waxa uu sheegay in gobolka Awdal ay joogaan guddoomiye ku xigeenka guddida doorashooyinka iyo xubin ka tirsan guddidaas oo halkaas u jooga in ay xaliyaan wixii cilad farsamo ah ee yimaadda inta ay socoto diiwaangelintu, wuxuuna tilmaamay in ay ka diyaar garoobeen ciladaha dhanka farsamada ah ee imankara, isaga oo intaas raaciyey in hawl-wadeenadii loo baahnaa ay diyaar ku yihiin goobaha haddii qalabka ciladi ku timaado.

Dhinaca kale, guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaradka, Eng Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa iyaguna socdaal ku tagay gobolka Awdal iyaga oo u kuur galay sida bulshadu isu diwaangelinayso waxanay booqdeen goobaha diiwaangelintu ka socoto, hawladeennada diiwaangelinta ayaa Guddoomiyayaasha uga xog-warramay habsami u socodka diwaangelinta,

Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka oo warbaahinta la hadlay, waxa ay bulshada ku boorriyeen inay is-diiwaangeliyaan, iyagoo si gaar ah ula hadlay dadka aan hore isu diiwaangelin, dhallinyarada qaan gaadhay iyo dadka kaadhadhka diiwaangelintu ka lumeen inay qaatan kaadhka codbixinta kana faa’iidaystan fursadda loo sameeyey.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net