Xisbiga UCID oo sheegay in Sarkaal ka tirsan Ciidamada Boolisku fuliyey Isku-day Dil oo xalay lala beegsaday Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa cambaareeyey weerar xalay nin hubaysani ku rasaaseeyey xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan golaha Wakiillada, waxaanay masuuliyadda weerarkaas dusha ka saareen ciidamada Booliska.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Keyse Cabdilaahi, ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu dambeeyey sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland, kaas oo sida war-saxafadeedka lagu sheegay saddex xabbadood la beegsaday xildhibaan Qabile oo wakhtigaas ku sugnaa xaafadda Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa.

ucid

War-saxaafadeedka uu xisbiga UCID ka soo saaray fal-dambiyeedkaas lagu weeraray xildhibaankaas, ayaa u qornaa sidan: “Waxaanu aad iyo aad U Canbaareynaynaa Falkii Foosha Xumaa Ee Xaley Lagula Kacay Xidhiban Maxamed Farax Qabile Kaas Oo ahaa Xaley Abaaro 7:05 Pm in Xaafada Jig Jiga Yar Laysku Dayo in Lagu Khaarajiyo Dil Qorsheysan,Falkaas Oo uu Geystey Nin ka Mid ah Ciidanka Booliska Somaliland Oo Sita Darajada Kabtanka uu  ugu Yaraan Sadex Xabadood Oo RASAAS ah Ku Ridey Balse ilaahey Ka Nabad Galiyey.

Hadaba Xisbiga Ucid Waxaa uu Cod dheer iyo Cod gaabanba Ku Canbaareynayaa Dhacdadaa Foosha Xun Ee Ugubka ah Isla Markaana Arxan Darada ah Ee Ceebta Ku ah Qaranka Somaliland (in La Bar tilmaameedsado Madaxda Qaranka Somalliland )

Ugu Danbeyntii Waxaa uu Xisbiga Ucid Ugu Baaqayaa Xukuumada Talada Haysa iyo Haayadaha Amniga Qaabilsanba in Si Deg Deg Ah Loo Soo Qabto Ninkii Falkaa Geystey  iyo Cidii Ka Danbeysayba,Si aaney U noqon Wado Furan Oo Madaxda Qaranka Lagu Bartilmaameedsanayo.”

Weerarka loo geystay xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ee lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska, ayaa noqonaya kii labaad noociisa ee sannadkan gudihiisa ka dhaca magaalada Hargeysa, waxaana sidan oo kale ciidanka booliska Somaliland lagu helay masuuliyadda weerar horaantii bishii July ee sannadkii hore ay laba nin oo hubaysani la beegsadeen Xarunta Wargeyska madaxa-bannaan ee Hubaal, laguna dhaawacay guddoomiyaha Wargeyskaas, waxaana falkaas loo qabtay mid ka mid ah labadii nin ee weerarka geystay, halka kii kalena uu baxsaday.

Somalilandpost.net

Hargaysa