Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Casuumad Casho- Sharaf, Is-Xog-Wareysi Iyo Soo-dhaweyn Isugu Lammaan Ku Qaabilay Qurba-joogga Xisbigaasi Iyo Khudbadihii Madasha Laga Jeediyey

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa xalay casuumad casho sharaf, is-xog wareysi iyo soo dhaweyn isugu lamaanayd ugu sameeyey qurba-jooga kala duwan ee Xisbigaasi ee ku nool Waddamada Dibadda.

Munaasibaddii loo sameeyey casuumadan cashada ah oo lagu qabtey Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qeybgalay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), Afhayeenka Xisbiga WADDANI Ibraahim Mahdi Buubaa, hogaanka iyo guddoomiyayaasha garabyada haweenka, Dhalinyarada, iyo qaar ka mida taageerayaasha Xisbiga iyo dhammaan guddoomiyayaasha laamaha dibada iyo qurba-joog tirro baddan.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga WADDANI Shiine Muxumed idiris ayaa waxa uu qurba-jooga Xisbiga WADDANI ee kala nool waddamada dibada ku soo dhaweeyey dhulkoodii hooyo, waxaanu yidhi “Dhamaan qurba-jooga Xisbiga Waddani waxaan ku soo dhaweynayaa gobolkii maroodi-jeex,Xisbigii waddani waxaanan leeyahay waad ku mahadsan tihiin sidaad noo sharafteen ee aad noo karaameyseen ee aad casuumadan casho-sharafta noogala soo qeybgasheen”.

Afhayeenka Xisbiga WADDANI,isla markaana ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Ibraahim Mahadi Buubaab oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Qurba-jooga Xisbiga Waddani iyo taageerayaashiiba waxaan leeyahay waddankiina hooyo ku soo dhaawada, gacmo furan ku soo dhaawada”.

“Umadda reer Somaliland rajadii ay dul dhigeen Xisbiga KULMIYE candhuuftoodii dib ayey u liqeen, is-bedel guddo iyo dibad-ba umaddani way u baahan tahay inay helaan, Xisbiga Waddanina waxa uu diyaar u yahay inuu is-bedel dhab ah oo aan hadal ku saleysnayn oo xaqiiqda ku saleysan uu waddanka ka fuliyo”.Ayuu yidhi Ibraahim Mahadi Buubaa.

Eng.Cabdirashiid oo ka mida ah guddida arrimaha dibada ee Xisbiga Waddani oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi“Waxaan ku qurba-jooga ku soo dhaweynaynaa dalkeena oo waxaan leeyahay soo dhawaada,waxaad mooda inaynu Xisbiga Waddani inaynu isu-dhignay inaynu wakhti baddan haysano, waxaan leeyahay wakhti ma haysano, oo waxaynu haysanaa laba sanadood oo aynu rabno inay la tartanto 10-sanadood, tobankii sanadood ee KULMIYE soo waday sidii uu kursiga madaxweynanimada ugu fadhiisan lahaa laba sanadood ayeynu u heysanaa inaynu kula tartan. Markaa waxaan leeyahay haddii aad tihiin qurba-jooga waa inaad u diyaar-garoowdaan oo aad fadhiga ka kacdaan inaan wakhti jirina aad isku sheegtaan”

“Laba sanadood oo la doonayo in doorasho lagu guuleysto oo madaxtooyo lagu tago waxay la mid tahay laba cisho, annaga ayaa u taagan inaan tilmaano dib-u-dhacyada Xukuumada KULMIYE keensatay. Todobaadka soo socda hawlo-waaweyn oo Xisbiga oo dhaqaaqay ayaad naga arki doontaan iyo wax baddan oo Xisbiga iska bedelay “Ayuu yidhi Eng.Cabdirashiid.

Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo ka mida hogaanka sare ee Xisbiga WADDANI oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Qurba-joog waxaan idiin leeyahay soo dhaawada, haalkaasna noo jooga, Somaliland waxay caan ku tahay adduunkana kaga caan baxday waxaynu nahay dad dibad iyo guddo-ba isku xidhan haday tahay dhaqaalihii iyo aqoontiiba. Waddani waa Xisbi cusub waa dhiig iyo caqli cusub,wakhtiga doorashada loo qorsheeyey waxa ka hadhay 18-bilood Waddaniga guddaha joogaana xoog iyo xoog ayuu uga hawlgalay inaanay doorashadu mugdi mugdi gelin oo ay wakhtigeeda ku dhacdo oo uu KULMIYE-na uu leex-leexadka ka daayo oo uu u diyaargaroobo, dabadeed waa lagu guuleystay oo sadexda Xisbi-ba way wada saxeexeen.Idinkana (Qurba-jooga) waxa la idiinka baahan-yahay inaad gashaan doorkii Waddani oo doorasho galaya”.

Marwo Milgo Maxamed Cilmi oo ka mida hogaanka Xisbiga  Waddani ee garabka haweenka oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi “Farxad weyn ayey noo tahay inaad intiinaas oo qurba-joog u baddan inaad caawa nala joogtaan oo aad nagala qeyb gashaan casuumadan casho sharafta ee qaaliga ah ee aan idinku casuunay ee aad idinkuna na soo ajiibteen. Waxaan idin leeyahay mar-walba ka qeybqaata figradaha iyo inaad maskaxdiina halkan u soo jeedisaan”.

Saynab Yuusuf Xaaji Aadan Qabile oo ka mida qurba-jooga Xisbiga Waddani ee dalka Canada, isla markaana ku hadashay afka qurba-jooga oodhan ayaa waxay tidhi “Waxaad mooda inaanu xidhiidhkeenu wanaagsanayn oo wada xidhiidhku daciif yahay, markaa taas ayaan odhan lahaa ha la xoojiyo, Xisbiga Waddani waxa uu Xisbiyada kale kaga duwan yahay waxa uu ka hadlaa qaddiyada oo waa Xisbi ka gudbaya yooyootanka”

Guddoomiyaha garabka haweenka ee Xisbiga Waddani ee dalka Canada Suhuur Xasan Abiib oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi “Haddii aanu nahay reer Canada waxaanu nahay dad firfircoon oo dhamaantayo jecel xisbiga Waddani intayada xubnaha ka ah, waxaanu markasta ku dedaalna inaanu horumarino tiradda iyo lacagta iyo waxkasta oo kor u qaadaya Xisbiga Waddani, dhamaantiin waxaad tihiin ambassadorro ka tirsan Xisbiga waddani, markaa qofkasta waa inuu ku qanacsanaada Xisbigiisa  waddani oo meelaha kaga faana oo uu yidhaahda haddii aanu nahay waddani waxaanu bedelaynaa Xisbiga KULMIYE ee talada waddanka haya”.

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi“Munaasibadani waa xaflad qaali ah, waxaanay qaali ku tahay oo weliba aniga gaar ayey ii sii taabanaysa qurba-jooga iyo kaalintiisa iyo qiimaha ay ku fadhiyaan, qurba-joogu waa bulshada caqligeeda, indhaheeda karaamadeedii iyo xushmadeedii”.

“Waxaan caawa u arkaa inay guul-weyn u tahay Xisbiga Waddani inuu la shirro qurba-joogii oo uu wareysto waxay hayaan, Xisbiguna uu u sheego kaalinta iyo waxa uu ka sugayo, waxa la idinku yeedhay sidii hub iyo gaashaan loogu sameysan lahaa mucaaridnimada, marka la idin helo geesinimo ayaa dhalanaysa, markaad jeebka gacanta gelisaan waxa dhalanaysa Kalsooni, markaad talada la timaadaan caqliga ayaa baddanaya, markaa waa la dagaal-galayaaye kaalintiini ayaa la sugayaa”.Ayuu yidhi Gaboose.

Ambasador Cabdirisaaq Meecaad oo ka mida qurba-jooga waddanka ingiriiska, Ifraax Cabdiraxmaan  oo ku hadlaysay garabka haweenka ee Xisbiga Waddani ee dalka Ingiriiska, Mustafe Ciyow oo ah guddoomiyaha Bristol ee Xisbiga Waddani,Dr.Mustafe Cabdilaahi,Mujaahid Cabdi Raygal, Najiib Saleebaan Jaamac oo ku hadlayey afka Xisbiga waddani ee dalka Sweden waxay dhamaantood u mahad-celiyeen hogaanka Xisbiga Waddani iyo wixii talooyin iyo toosin ahna halkaasi ayey ka sheegeen.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu “Xafladan waxaan ku soo dhaweynayaa dhamaan madaxda laamaha dibadda, xubnaha iyo taageerayaashaba, Xisbiga Waddani, waanan u mahad-naqayna cidda fursada u heshay inay ka soo qeybgasho oo dhamaantood ka yimid dacalada dunidda. Waxaan u maleynayaa inaanay jirin qaarad aan laga imanin haday tahay Ingiriiska, Canada,USA,Germany, Australia, Sweden iyo Finland, Denmark,Norway iyo waddamada Carabta, Africa sida Kenya iyo Uganda, rag iyo dumara iyo dhalainyaraba waanu idin soo dhaweynaynaa”

“Dadka dibaddu taariikhdoodu kuma cusba Somaliland, waxkasta oo ay Somaliland gaadhay qeyb ayey ka qaateen,Xisbi ahaan maanta laba wax ayaanu uga baahanahay (Qurba-jooga) midi waa khibradiina,aqoontiina, inaad ku dhistaan Xisbiga, inaad waxaad tallo haysaan aad soo gudbisaan, inaad waxaad dhaliil haysaan aad soo gudbisaan”. Ayuu yidhi

“Inay ka qeybqaataan dhaqaale uruurinta Xisbiga, waxa ugu muhiimsan ee uu Xisbigu ku dhismayaa waa xubno (Membership), waxaan jecelnahay inuu koro ka mid noqoshada Xisbiga ee dibadu, waddamada bilaabay sida Canada iyo Finland aad ayaan ugu mahad-naqayaa kuwo kalena way ku soo xigayaan”.Ayuu yidhi Guudoomiye Cirro.

Waxa kale iyaguna halkaasi ka hadlay Axmed Maxamed Qalinle oo ku hadlayey afka garabka dhalinyarada ee Xisbiga Waddani, Prof Qaasim iyo masuuliyiin kale kuwaas oo dhamaantood u mahad-celiyey qurba-jooga Xisbiga Waddani, isla markaana ka codsaday inay kaalintooda horumarineed ee Xisbiga ay kor u qaadaan oo dedaalka sii laban-laabaan.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net