“Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID waxa uu si buuxda u taageerayaa Shirkii London ka dhacay”

Hargeysa,27 February, 2012 (SLpost)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa Madaxweynaha Somaliland ku ammaanay khudbadii uu ka jeediyay shirweynihii London oo ay tilmaameen inay ka soo baxday natiijo wanaagsan oo u fiicnayd dalka.

Xisbiga UCID waxa kale oo ay Madaxweyne Siilaanyo ku hambalyeeyeen inuu rumeeyay himiladdii reer Somaliland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed maanta uu Hargeysa ka soo saaray Ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Xisbigaasi Md. Aadan Jaamac Hoori.
War-saxaafadeedkaasi oo dhamaystirana wuxuu u dhignaa sidan:-

“Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID waxa uu si buuxda u taageerayaa Shirkii London ka dhacay 23-feb-2012.

Xisbiga UCID waxa uu soo dhawaynayaa natiijadii fiicnayd ee ka soo baxday shirka London dantana u ahayd Somaliland iyo guud ahaan Gobolka Geeska Africa.

Waxa kale oo Xisbiga UCID uu Hambalyo u dirayaa Jaaliyada Somaliland ee Cariga Ingiriiska sidii milgaha lahayd ee ay u soo dhaweeyeen weftigii Somaliland ka socday iyo siday u muujiyeen qadiyada Somaliland.
Waa ILLAAHAY mahaddii haddii aad hor dhigteen qaddiyadeenii gooni-isutaaga 54 dawladood oo ah kuwii tallada aduun-weynuhu ka go’do, waxa kale oo xusid mudan in loo sheego ummadeena reer Somaliland in qoraalkii uu Madaxweynaheenu hordhigay 54kii dawladood ee madasha shirkaas fadhiyay oo kala ah:

1. In ummaddii reer Somaliland buuxisay shuruudihii ay ummadi dawlad ku noqon lahayd
2. Inuu mudan yahayna in la ictiraafo
3. In Baasaboorkayagu aad noo tixgelisaan ku safarkiisa
4. In maal gashi aad Dalkayaga ku samaysataan
5. In aad wax nagala qabataan horumarinta Dalka si aan ugu samayno furasado shaqo dhalinyaradayada
6. In deeqaha beesha caalamku toos na loogu keeno.
Sidaa awgeed, waxa aan leeyahay Madaxweyne Hambalyo Hambalyo adiga iyo masuuliyiinta kale ee weftiga aad hogaaminayso kugu wehelinaysa.
Md, Madaxweyne run ahaantii waad u rumaysay ummadaada reer Somaliland himiladaadii ahayd in aad gaadhsiiso meel sare qaddiyadeennana in aan helno ictiraaf buuxda.”

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net