Xildhibaan Golaha Wakiillada ka tirsan oo sheegay inay dawladda Jabuuti Garaacis Qudha kaga Jartay mid ka mid ah 2 Qof oo Shacab ah oo Somaliland u gacan-gelisay ceey

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in mid mid ah afar qof oo muwaadiniin reer Somaliland oo xukuumadda talada haysaa u gacangelisay dawadda Jabuuti dhawaan tuhunno la xidhiidha qaraxii caasimadda dalkaasi ka dhacay awgii uu u geeriyooday jidh-dil loo gaystay, mid kalena koomo ku jiro.

Xildhibaan Rayte waxa uu xusay inuu hayo warar aan weli si rasmi ah loo shaacin oo sheegaya in hal nin oo ka mid ahaa afar rag ah oo xukuumaddu u dhiibtay hay’adaha ammaanka ee dawladda Jabuuti ugu geeriyooday jeelka dhexdiisa garaacis iyo jidh-dil loo gaystay, isla markaana mid kale uu ku jiro xaalad halis ah oo miyir la’aan.

Jabuuti“Waxaan doonayaa in aan dhaleeceeyo waa dadka loo dhiibay xukuumadda Jabuuti, dadka la dhiibay waa dad muwaadiniin ah oo reer Somaliland ah, dawladina ma dhiibto muwaadinkeeda oo dawlad kale uma dhiibto hadday dambigaleen dambiga ay galeen waa mid ay halkan ka dhacay markaa in halkan lagu xukumo ayey ahayd. Waxaana igu maqaalo ah oo aan aad uga xumahay inkasta oo wararkaasi aanay xukuumaddu si rasmi ah u soo dayn in nin ka mid ah raggii la dhiibay uu dhintay oo uu u dhintay jidh-dil, mid kalena uu koomo ku jiro oo uu sakaraad yahay,” ayuu yidhi Md. Rayte oo aanu warkiisa kasoo xiganay Bogga Wararka ee Wargeyska Jamhuuriya ku leeyahay Internetka.

Xildhibaanku waxa uu sheegay in aannu jirin wax dambi cad ah oo lagu hayo ragga loo dhiibay Jabuuti, isagoo si adag ugu cambaareeyey xukuumadda tallaabada ay dad muwaadiniin ah ugu gacangelisay dawlad kale oo uu sheegay inay sharci-jebin tahay, waxaannu yidhi, “Afar qof oo muwaadiniin reer Somaliland ah oo aan halkan wax dambi ah lagaga caddayn oo aan maxkamad la soo horjoojin in inta indhaha laga xidho madaarka laga dhoofiyo oo dawlad kale loo dhoofiyaa waa dambigii ummaddan laga galay kii ugu waynaa waa distoorkii oo la jabiyey, waxa weeye xuquuqdii muwadiniinta oo lagu tuntay, waanu cambaaraynaynaa ciddii go’aankaasi qaadatayna waxaannu doonaynaa in ay xukuumaddu ay farta ku fiiqdo oo ay masuuliyadeeda qaadato.”

xildhibaan-RayteDhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde oo hoggaaminaya wefti ka kooban madaxda hay’adaha ammaanka oo booqasho ku jooga

Jabuuti, ayaa si kooban uga hadlay waxyaabaha ay ka wadahadleen masuuliyiinta dalkaasi. “Waxaannu runtii isla garanay sidii ammaanka loo wada adkayn lahaa, labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti wax aka dhexeeya xidhiidhi ganacsi,” ayuu yidhi Wasiir Warancadde oo si kooban uga jawaabayey su’aal warbaahintu Jabuuti ku waydiisay.

SOMALILANDPOST.NET

Hargeysa/Somaliland