Xildhibaan Cusub oo loo dhaariyey Golaha Guurtida Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Xarunta Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa maanta lagu dhaariyey Xildhibaan cusub oo ka mid noqon doona Mudaneyaasha Golaha Guurtida.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida Cadaaladda garyaqaan Aadam X. Cali Axmed, ayaa xafiiskiisa ku dhaariyey Mudane Cabdirashiid Xaashi Cabdi Shiil oo maanta laga bilaabo ka mid noqonaya mudanayaasha Golaha Guurtida.

Xildhibaan Cabdirashiid Xaashi Cabdi Shiil ayaa buuxiyay boos uu banneeyey Allah ha u naxariistee Marxuum Axmed Xaashi Cabdi Shiil oo dhawaan geeriyooday, waxaana dhaarinta mudanaha Maxkamadda u gudbiyey Shir-guddoonka Golaha Guurtida.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska xidhiidhka dadweynaha iyo Saxaafadda ee Maxkamadda Sare, dhaarinta kaddib, Guddoomiye Aadam Xaaji Cali waxa uu xildhibaanka kula dardaarmay  in uu bulshada ugu adeego si daacad ah oo hufan, waxaanu Allah uga baryey in uu u fududeeyo culayska masuuliyadda uu qaaday.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net