Xeer lagu anshax-marinayo Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaaliyaasha oo markii u horreysay Somaliland laga hirgeliyey

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland Yuusuf Ismaciil Cali ayaa soo caddeeyay inay soo saareen Xeerka Anshax Marinta Garsoorka iyo Xeer ilaaliyayaasha .

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa sheegay  in maanta laga bilaabo ay dhaqan galinayaan xeerka anshaxmarinta  Garsoorka iyo xeer ilaaliyayaasha Somaliland isla markaana ay ka faa’iidaysan doonaan dadka ay dhibaatada kala kulma marka dacwad loo fulinayo,oo laga qaadi jiray lacag ilaa boqol dollar ku dhow,balse ay hada ka dhigeen Toban kun oo shilling Somaliland ah.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland waxa uu tilmaamay inay xeerkan anshax marinta garsoorka iyo Xeer ilaalinta oo ka kooban Sagaal iyo Sodon qodob ay iska kaashadeen Maxkamada Sare, Gudida Cadaalad ee Somaliland iyo Hay’ada Qaramada Midoobay ee Undp oo ka taageertay.

Wararka  Xeerka anshax marinta xeer ilaaliyayaasha iyo garsoorka oo aan hore uga jirin Somaliland,ayaa Meesha ka saaraya dhibaato bulshada ka haysatay marka loo fulinayo dacwadaha.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net