‘Xawaaladda qaran waxa la xidhay oo ay shaqada joojisay bishii February 18th, 2012, halka Xawaaladda Jubba Express-na Somaliland laga furay February 2010’

Marka hore waxaan jecelahay inaan halkan ka salaamo dhammaan akhristayaasha kala duwan ee kala og ama kala garanaya qoraalka Been abuurka ah iyo ka runta ah,kuwa dhuuniiga iyo dhaqaalaha sida khaldan lagaga doonayo shirkaddaha ganacsiga iyo dadka hantiilayaasha ah.

Hadaba maanta oo ay taariikhdu tahay 14/01/2013 ahna yoom Salaasa ha waxaan doonayaa inaan halkan ku caddeeyo kuna fashiliyo beenta iyo aflagaadada aan salka iyo raadka toona lahayn ee ay caadeysteen qaar ka mida war sidayaasha dalkeena kuwaas oo noqday war xumo tashiilka raba’uun inay dalkooda iyo dadkooda uun markasta ka sheega waxaan jirin.

Sidaa darteed waxan ku soo qaadanayaa qormadaydan warar lagu dacaayadeynayey mid ka mida shirkadaha ganacasiga ee dalka ka shaqeeya gaar ahaanna Xawaaladda Jubboexpress,oo ay ku sheegeen inay tahay Xawaaladii hore la odhan jiray Qaranexpress oo isku badashay ama la baxday Jubbo.

Hadaba waxaan u sheegayaa ciddii qortay wararkaa inuu ka been sheegay oo ay ka khaldantay wixii doonayey maxaa yeelay Xawaaladda qaran waxa la xidhay oo ay shaqada joojisay bishii February 18th, 2012.

Xawaaladda Jubbo express-na waxa la asaasay sannadkii(2010) bishii Febuary, halkaana waxa ku cad in sannad iyo badh iyadoo shaqayneysa, waana shirkad xawaaladeed oo ka mida shirkadaha caalamka ka shaqeeya ee lacagaha caalamka u kala gudbiya. Markaa ujeedada loo asaasayna waxa weeyey ganacsi.

Waxaan shaki ku jirin in mudooyinkan dambe ay soo baxeen war xumo tashiil ku qanacsan xinka iyo risiq maanacnimo oo caado ka dhigtay ama ay caadaba u tahay ii sii anaa waafin,buunbuuninteeda aanu ku jahayneyno dadka shirkadda Jubboexpress,oo ka dhigan xaasid nimo aan meelna aan loogu soo gaban oo iska cad u jeedadeedu.

Taas oo ah mid aan waxba u dhimeyn hawlaha ama adeegyada ay shirkadda Jubboexprss umadda u qabato ,taana waxa u daliila xadiiska halkan ku cad, Abu Laysa (RTC) wuxuu yidhi “Sadex ayaan ducadooda la aqbalin,xaaraan cunka,Xanta badsade iyo qalbiga xumaan iyo xaasid nimo ugu haya dadka muslimiinta ah.”

Waxaan aad uga xumahay Dhaqan xumadda, Beenta, Xaasidnimadda ah ee ay la beeg sanayaan Xawaaladda Jubboexpress ,taas oo ay rabaan inay ku sameeyo sharaf dil dhinaca, ganacsigooda,Hantidiisa iyo Dadnimadoodaba.

Sidaa awgeed waxa soo baxaya dad isku sheegaya wariyayaal oo ku qadhaabsanaya qoraalo yar yar oo ay ku soo qoraan qaar ka midda Joornaalada iyo Website-yada ka soo baxa Somaliland gaar ahaan Hargeysa qaarkood kuwaas oo ay ku fidiyaan dacaayado been abuur ah,lana beegsanayaan xawaaladda sarifka lacagaha kala duwan ee Jubba Express.

Ujeedada ay ka leeyihiinna ahayd dano gaar ah oo dhaqaale. Taasina ma aha wax dhici kara. Waxa kale ay rabaan in lagu waxyeeleeyo dhaqaalaha dadka Macmiisha ah iyo sumcadaha Xawaaladda Jubboexpress.

Hadaba maxaa kaliifey Beenta, Dagaalka, shirkaddo weerarka, Xumaanta iyo Xinka ay ku hawlanyahiin shaqsiyaad ka midda Bulashdu oo habeen iyo maalin dhisaaya been cad oo sal iyo raad midna aan lahayn. Dadka waxan ku hawlan waxaa ka midda shaqsiyaad mareego ama websites samaystay oo beenta iyo borobagaandadda ku ceesha.

Horaa loo yidhi xaasid maaya aflax haduu aflaxana ma guulaysto markaa waxaan kugula talinnayaa oo aan ku leeyahay yaanu shaydaanku ku marin habaabinin aanu ku odhanin maxay u yeesheen hantida intaa leegl,

Waxaan leeyahay mar dambe Shirkadahu u dul qaadan maayaan weerar hungurigan diciifka ah ee aad la daba taagan tiin maalka iyo hantida ay ragu soo shaqaysteen illeel halkaa waxa ka muuqata oo ay cid waliba dareemi kartaa inaad ka xuntiin Maalka iyo dhaqaalaha ILLAAHAY, siiyey.

Axmed Cismaan, Hargeysa