Xaaladda Murugsan ee Dalka Ukraine oo Xiisad Cabsi laga qabo ka dhex-abuurtay Maraykanka iyo Ruushka + Dhoolatuska milatari ee labada dhinac

MUUQAALKA-MARKABKA-LAGA-YAABAY-EE-MARAYKANKAKiev (SLpost)- Diyaaradaha Dagaalka Ruushka, ayaa Ku Gaaf-wareegaya Markabka Duqaymaha Geysta Ee Ku Sugan Biyaha Badda Madow.

Aqalka shanta gees leh ee Maraykanka, ‘The Pentagon’ ayaa ku eedeeyey xukuumada Ruushka, in laba kamid ah diyaaradaha dagaalka Ruushka oo Jawi hoose ku duulayaa ay dhowr jeer dul mareen markabka duqaymaha geysta ee Maraykanku leeyahay oo ku sugan bada Madow ‘The Black Sea.’

Maraykanka ayaa tilmaamay in ciidamada milatariga Ruush-ku ka shakiyeen markabkaas dagaalka una qaateen mid u socda ka qayb noqoshada qorshaha NATO ee gobolka.

“Talaabadan daandaansiga  iyo aqoondarada dhinaca khibradu hagayso ee Ruush-ku, waa mid ka hor imanaysa hab dhaqanka dowladaha isla markaana aan waafaq sanayn heshiis-yadii hore u dhex yiilay labada ciidan,” ayuu yidhi Colonel Steve Warren, oo ah af-hayeen u hadlay aqalka Pentagon-ka.

“Way iga dhaadhici la’dahay in laba duuliye oo Ruush ah iyo diyaaradohoodu ay doortaan inay qaadaan talaabo noocan.”

Sida ay baahisay wakaalada wararka ee Reuters, xafiiska Pentagon-ka ayaa ku sheegay diyaaradaha noocooda inay ahaayeen nooca Russian Su-24 aircraft, ama Fencer, kuwaas oo 12 jeer duulimaadyo hoose ku dul maray Markabka USS Donald Cook, kaas oo wakhtigaas shidaal ka qaadanayay biyaha caalamiga ah ee galbeedka badda Madow.

Xukuumada Maraykanka ayaa intaas ka dib hanjabaad u dirtay dowlada Ruushka.

“Markabka Donald Cook waa mid  xambaarsan walxo ka badan intii ay kaligeed isaga difaaci lahayd weerar kaga yimaada laba diyaaradood oo nooca Su-24 ah,” ayuu hadalkiisa ku daray Af hayeen Warren.

USS Donald Cook, oo ah Markab wax duqeeya oo ay ku raran yihiin gantaalaha burburinta loo adeegsado kuwooda ugu awooda badan iyo qalabka difaaca ka caawiya, ayaa soo gallay biyaha bada madow bishan April 10 keedii.

SOMALIILANDPOST.NET

Turjumaadda Caydaruus Sheekh Cumar