“Xaaladda Dalka Qiimeeyo oo Dadka Abaaruhu ku dhufteen ka daaya Buuqa iyo Qararacda” – Siyaasi Cabdiraxmaan Axmed Cali

Burco (SLpost)- Siyaasi Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa deegaanka Sibidhlay oo ka tirsan degmada Dhoqoshay ee Gobolka Togdheer ka dhagax-dhigay Saldhig Boolis oo la sheegay inay baahi weyn u qabeen bulshada halkaas deggen oo taariikh ku leh dhismaha Qaranimada ee Somaliland.

Siyaasi Cabdiraxmaan Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa muhiimadda uu Saldhiggu u leeyahay shacabka deegaanka oo uu ka hadlay kaddib, waxa uu ka hadlay xaaladda dalka ee xilligan ee dhinacyada siyaasadda iyo Abaarta ka jirta gobollada Dalka oo uu xusay in lagaga bixi karo in loo midoobo shacab iyo dowladba.

Siyaasi Cabdiraxmaan waxa uu Xisbiyada Mucaaradka ugu baaqay inay danahooda gaarka ah ka horseysiiyaan danta Shacabka maadaama dalku xilligan ku jiro xaalad abaareed oo baahsan.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalladii laga jeediyey Madasha iyo weedhaha uu siyaasigani ku duray masuuliyiinta xisbiyada Mucaaradka

Shacabka ku dhaqan degmada Dhoqoshay ayaa lagu xusuustaa kaalintii ay ku lahaayeen gacan-ku-dhigista koox Argagixiso oo Baxsad ah, kuwaas oo bishii March 2004-tii hawl-wadeen ka tirsan hay’adda GTZ oo lagu magacaabi jiray Ms. Flora Chepkemol ku dilay Tuulada Dhubato oo ku taala Waddada isku xidha Hargeysa iyo Berbera, waxaana falkaas lagu dhaawacay Sarkaal lagu magacaabo Mr. Helkin oo ahaa Madaxa Barnaamijyada Mashaariicda GTZ ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net