Wefti ka socda Dalka Turkiga oo la kulmay Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

Hargeysa (SLpost)- Saraakiil ka socda Xafiiska Raysal wasaaraha dalka Turkiga oo dhawaan socdaal ku yimi dalka, ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Wasaarada Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland.

Saraakiishan ka socda Xafiiska Raysal wasaaraha Turkiga oo hore ula soo kulmay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo qaar ka mid jaamacadaha dalka, ayaa intii ay ku sugnaayeen Wasaarada Warfaafinta waxay Indho-indheeyeen Qalabka ay ku shaqeeyaan waaxyaha kala duwan ee Waasarada Warfaafinta, isla markaana waxay warbixin ka dhagaysteen Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta Md. Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay ku wahelinayaan waaxyaha Agaasimayaasha Wasaarada iyo Injineerada Idaacada Hargeysa oo ka hadlay sida ay u shaqeeyaan.

Saraakiishan Turkiga ah ayaa markii danbe ee ay soo dhamaysteen kormeerkooda waxay Xafiiskiisa kula kulmeen Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md. Abiib Diireye Nuur (Timacad), oo ay uga mahad-celiyeen sida wacan ee ay uga Warbixiyeen Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland oo ay tilmaameen inay dalka Somaliland muhiimad ballaadhan ugu fadhido, iyaga oo soo jeediyey in Wasaaraddu u baahan tahay in mar walba tayadeeda kor looqaado.

SOMALILANDPOST.NET