Wax-qabadka Guddiga Qandaraasyada Qaranka u Qabsoomay Sannadkii tagay

Hargeysa (SLpost)- Gudidda Qandaraasyada Qaranka oo Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland uga masuul ah maamulka iyo Bixinta Qandaraasyada dowladdu bixiso, ayaa sannadkii dhamaaday ee 2020-kii shaaciyey mashaariic horumarineed oo tiro badan kuwaasi oo dhammaantood dalka laga fuliyay.

Mashaariicda oo muwaadiniinta si daah-furan loogu bandhigay inay ku tartamaan fulintooda, ayaa qayb ka ah dedaallada xukuumadda ee horumarinta adeegyada bulshada, sida Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashada iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee ay ka midka yihiin Jidadka iyo waxyaabaaha la midka ah.

Fulinta iyo Hir-gelinta mashaariicdaasi ayaa dhammaantood la mariyey nidaamka sharciga ah ee Qandaraasyada Qaranka Somaliland, isla markaana laga naadiyay warbaahinta dalka, kadibna ay shirkadaha dalku ugu tartameen six or ah oo daah-furan.

Haddaba Muuqaalka Hoose ka daawo Barnaamij laga diyaariyey Waxqabadkii guddiga Qandaraasyada Qaranka u qabsoomay sannadkii 2020-kii.