Wasiirrada Maaliyadda iyo Beeraha oo Gobolka Maroodijeex ka bilaabay hawl-gallo ay Beeraleyda ku dhiirri-gelinayaan Cashuur Bixinta iyo Qaadashada Liisamada Beeraha

[L]aasgeel (SLpost)- Wasiirrada Maaliyadda iyo Beeraha Somaliland oo muddooyinkii u dambeeyey ku gudo-jiray hawlaha der-der galinta Cashuuraha dalka, ayaa shalay kormeer hawleed la xidhiidha hirgalinta Cashuuraha beeraha, waxa ay ku soo mareen deegaanka Degmada Laasgeel.

Labada wasiir waxa socdaalkooda ku wehelinayey Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Maroodijeex, agaasimayaal ka tirsan Wasaaradaha Beeraha, Maaliyada, Mas’uuliyiin ka socday degmada Laasgeel iyo qaar ka mid ah Tuulooyin kale oo ay ka mid yihiin Jaleelo, Xunbo Weyne.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka warramay iskaashiga ka dhexeeya labada Wasaaradood ee Maaliyada iyo Beeraha,waxaanu xusay inay ku hawlan yihiin horumarinta beeraha wadanka iyo sidii ay u diiwaangelin lahaayeen.

Mudane Samaale mar uu ka hadlayay arrimaha dekhli soo saarka, waxa uu xusay inay waajib tahay sidii gacmaha la isugu qabsan lahaa  soo xeraynta cashuuraha kala duwan ee xukuumada dhexe,waxaanu intaas ku daray in beeruhu ay yihiin mid ka mid ah ilaha wax soo saarka dhaqaale ee dalka. Wasiirka Maaliyadu waxa uu sheegay in qofkasta oo beerolay ah laga rabo inuu sharciyad samaysto isla markaana bixiyo cashuurta ku waajibtay.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaarada Beeraha ee Somaliland Prof. Faarax Cilmi Geedoole, ayaa dhiniciisa ka sheegay in la gaadhay wakhtigii ay dadka wax soo saarka dalagga beeraha ku hawlani ku qaadan lahaayeen Shahaadada Sharciyaynta, iyadoo la isticimaalayo sida uu xusay habka kala xadaynta Satalaytka.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Maroodijeex,Duqa Degmada Laasgeel iyo mas’uuliyiinta deegaamadaas ayaa dhammaantood soo dhaweeyay tallaabadan ay labada wasaaradood ku hawlan yihiin,waxaanay sheegeen inay diyaar u yihiin inay muddo 15 Maalmood gudahood ah ay ku bixin doonaan.

Weftigu waxay sidoo kale kormeer ugu kicitimeen degmada Daarasalaam oo ay ka samayn doonaan hawlgal ku wajahan fahamsiinta beeralayda ee qaadashada Shahaadada beeraha iyo bixinta cashuuraha.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net