Wasiirkii Amniga Kenya iyo Ku-xigeenkiisii oo ku geeriyooday Shil-diyaaradeed oo ka dhacay duleedka Nairobi

[N]airobi  (SLpost)- Wasiirkii Amniga Gudaha dalka Kenya iyo Shan qof oo kale ayaa maanta ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay meel u dhow magaalada Nairobi, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka dalkaas.

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya Kalonzo Musyoka waxa uu sheegay in wasiirkii Amniga George Saitoti iyo ku-xigeenkiisii Orwa Ojode, ay ku jireen dadka dhintay markii diyaarad boolisku leeyihiin ku dul burburtay meel keyn ah oo ku taala duleedka Nairobi.

Dhanka kale, Raysalwasaaraha dalka Kneya Raila Odinga oo ka hadlay dhacdadan ayaa ku tilmaamay dhimashada Saitoti masiibo ku habsatay dalkiisa oo wakhtigan diyaar-garow ugu jira qabsoomidda doorashooyinka madaxweyne-nimo oo dalkaas ka dhacaysa sannadka soo socda.

“Dhimashada Saitoti waxay nagu noqotay masiibo weyn oo dalkayaga ku habsatay wakhtigan oo aanu diyaar-garow weyn ugu jirno inaanu qabsanno doorashooyin si nabad ah noogu dhaca,” ayuu yidhi Raysal-wasaare Raila Odinga.

Ilaa immika si cad looma oga sababta keentay shilkan oo ay sidoo kale ku dhinteen ilaaladii wasiirka iyo duuliyeyaashii diyaaradda, waxaana goobta uu shilku ka dhacay gaadhay ciidamada Booliska oo sheegay inay weli baadhayaal sababta shilka dhalisay.

Mr. Saitoti oo ahaa aqoonyahan dalka Maraykanka ku soo Bartay dhaqaalaha iyo Xisaabaadka, ayaa ka mid ahaa shakhsiyaadka si weyn uga dhex muuqda siyaasadda dalka Kenya.

Marka laga yimaaddo xilka wasiirka amniga ee uu hayay, waxa uu ahaa afhayeenka dawladda u qaabilsan arrimaha amniga oo ay ka mid yihiin go’aankii Kenya ciidamada ugu dirtay dalka Soomaaliya sannadkii hore, waxaana la sheegayaa inuu door muhiim ah ka geystay go’aankaas.

Mr. Saitoti ayaa sannadkii hore shaaca ka qaaday inuu isu taagi doono doorashada Madaxweynenimo ee dalkaas ka qabsoomi doonta sannadka 2013.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net