Wasiirka Warfaafinta Oo Guddoomiye Ku-xigeen Cusub U Magacaabay Wargeyska Dawladda Ee DAWAN

Hargeysa (SLpost) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Saleebaan Cali Yuusuf (Koore), ayaa Maanta Guddoomiye ku-xigeen cusub u Magacaabay Wargeyska Dawladda ee DAWAN.

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland, ayaa Guddoomiye ku-xigeenka Wargeyska DAWAN oo ka mid ah Laamaha Warbaahineed ee hoos taga Wasaaradda Warfaafinta u Magacaabay Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale)  oo ka mid ahaa Hawl-wadeennada Warbaahinta Dawladda.

Wareegto uu Sabtida Maanta soo saaray Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore isla-markaana soo gaadhay Warbaahinta, ayaa u qornayd sidan:

“Iyadoo laga duulayo gudashada, habsami u socodka iyo dardar-gelinta hawlaha Masuuliyadaha Dastuuriga ah ee ay leedahay Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta, isla-markaana raacaya sunnaha Dawladnimada ee ah  in hadba Ciddii loo arko inay xilkan si wanaagsan u gudan karto loo igmado. Ayaa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 23/07/2022 u Magacaabay Agaasime ku-xigeenka Wargeyska Dawan inuu noqdo Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale). Sidoo kale waxa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 23/07/2022 aan xilka na nasiyey Daahir Maxamuud Xaddi, Agaasime ku-xigeenkii hore ee Wargeyska Dawan, anigoo uga Mahad-naqaya shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay Wargeyska muddadii uu joogay. Waxa kale oo aan farayaa Masuulka loo Magacaabay inuu sida ugu dhaqsaha badan ula wareego Masuuliyadda loo igmaday,” Sidaas ayuu Wasiirku ku yidhi wareegtada.

Suxufi Saleebaan Cabdi Cali ayaa 15-kii sanadood ee u dambeeyay ka mid ahaa Xubnaha ugu firfircoon bahda Saxaafadda Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net