Wasiirka Madaxtooyada oo dhagax-dhigay Wejiga labaad ee Dhismaha Jidka Ceerigaabo

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta dhagax-dhigay wejiga labaad ee dhismaha Jidka Ceerigaabo oo ka soo bilaabmaya dhinaca magaalada, kaas oo wejigiisii u horreeyey oo dhererkiisu gaadhayo 10KM hore loo dhammaystiray.

Munaasibad lagu qabtay goobta laga bilaabayo wejiga labaad ee dhismaha waddada oo ku taala duleedka magaalada Ceerigaabo, ayaa waxa ka qayb-galay wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Maamulka Gobolka iyo Degmada Ceerigaabo, Guddiga gacanta ku haysa dhismaha Jidka iyo masuuliyiin kale.

HALKAN KA DAAW WARKAN OO DHAMMAYSTIRAN