Wasiirka Madaxtooyada Oo Been Abuur Ku Tilmaamay Warqad Ay Warbaahinta Qaarkeed Baahisay

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan jawaab ka bixiyay warar ay maalmihii u dambeeyay warbaahinta qaarkeed baahinaysay, kuwaasoo la xidhiidha in wasiirku xidhiidh la sameeyay maamulka Muqdisho, isla markaana uu kala hadlay wareejinta dekeda Berbera.

Wasiirka ayaa sheegay inay arrintaasi tahay mid been abuur ah, isla markaana wax lagu yeelayo qaranimada Somaliland.

https://youtu.be/LVuMYmFmdaM