Wasiirka Maaliyadda oo Furay Shir lagu lafo-guray Qorshaha Siyaasadda Qaran ee Cashuuraha Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa maanta furay kulan hawleed lagu lafo gurayo Qorshaha Siyaasadda Qaran ee cashuuraha Somaliland ee Shanta sanno ee socda.

Kulanka waxa ka qayb-galay wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda, saraakiil ka tirsan wasaaradda, agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga, xoghayaha guud ee rugta ganacsiga, xubno ka socday Jaamacadaha dalka iyo ganacsato.

Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maaliyadda Maxamed Cabdi Gurxan, oo sheegay in u jeeddada kulan hawleedkaasi tahay sidii ganacsatada iyo daneeyayaasha kale ee cashuuruhu ay talo ugu darsan lahaayeen dejinta siyaasadda qaran ee cashuuraha dalka ee sannadaha 2021 illaa 2025 oo uu sheegay in ujeedada ugu dambaysa ee laga leeyahay ay tahay sidii loo hagaajin lahaa isla markaana loo fudidayn lahaa hannaanka cashuuraha dalka.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo furey kulan hawleedkaasi ayaa ka waramay muhiimadda ay cashuuruhu ugu fadhiyaan qaranka, waxaanu xusay in cashuuraha dalka intooda badani ay ku baxaan arrimaha amniga, maamulka, waxbarashada, iyo caafimaadka oo kaalin weyn ugu jirta bulshada Somaliland.

gebogebadii waxa halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga Cabdiraxmaan Abdeeq iyo xoghayaha guud ee rugta ganacsiga Somaliland, waxayna soo dhaweeyeen kulankaasi lagu lafo gurayay siyaasadda qaran ee cashuurha dalka ee shanta sanno ee socda laga bilaabo sannadkan ilaa sannadka 2025-ka.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadallada masuuliyiintu ka yidhaahdeen Shirka

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net