Wasiirka Isgaadhsiinta oo soo saaray Wareegto ku saabsan Ruqsadaha Hirarka Isgaadhsiinta

Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland Dr Cabdiwali Sh Cabdilaahi Suufi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray, waxa uu ku amray inay ruqsadaha ay dalka kaga hawl-galaan dib u cusboonaysiistaan Shirkadaha Baahiya Adeegga Muuq-baahiyaha isticmaalaha hirar gudaha ee dalka.

Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi

Dr Cabdiwali Sh Cabdilaahi Jawhar waxa uu Shirkadahan Muuq-baahiyaha Cable Tv ugu baaqay inay muddo soddon maalmood gudahood ah ku cusboonaysiiyaan ruqsadaha, kuwa aan wasaaradda ka diiwaangashanayna muddadaas isu-diiwaangeliyaan.

Wareegtada wasiirka oo ku taariikheysan 05-ta bisha April 2021, ujeeddadeeduna tahay Ruqsadaha Hirarka isgaadhsiinta oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u qornayd sidan:-

“Wasaaradda lsgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda iyada oo dhaqan-galinaysa Xeer-Nidaamiyeyaasha ay soo saartay, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xeer-Nidaamiyaha Ruqsadaha Adeegyada lsgaadhsiinta Xeer LR. 04/2020 lyo Xeer-Nidaamiyaha Maamulka Hirarka isgaadhsiinta Xeer LR. 05/2020 waxa ay ku wargelinaysaa dhammaan shirkadaha dalka ee ka shaqeeya Adeegga Muuq-baahiyaha loo yaqaan (Cable TV) in ay dib u cusboonaysiiyaan Ruqsadda Hirarka lsgaadhsiinta ee ay hore u haysteen iyaga oo soo buuxinaya foomka cusub ee ay Wasaaraddu u dhigtay udeeggan.

Sidoo kale, waxa lagu wargelinayaa shirkadaha bixiya adeega muuqbaahiyaha ee guud ahaan dalka kuwaas oo aan ka diiwaan-gashaynayn Wasaaradda in ay isa soo diiwan-geliyaan oo ay qaataan Ruqsadda Hirarka lsgaadhsiinta.

Haddaba, dhammaan shirkadahaas waxa aan ku adkaynayaa inay si deg-deg ah ku hirgeliyaan wareegtadan kor ku xusan  muddo soddon maalmood gudahood ah taasoo ka bilaabmaysa 05 April 2021 ilaa 05 May 2021.

F.G.  Shirkadda aan wakhtiga kor lagu xusay is-diiwaangalin ama aan cusboonaysiin ruqsadda hirarka Isgaadhsiinta, wasaaraddu waxa ay ka qaadi doontaa tallaabo waafaqsan shuruucda Wasaaradda.” Sidaas ayuu wasiirku ku sheegay wareegtada uu maanta soo saaray.

Somalilandpost.net