Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland oo Si Rasmi ah u Furay Kastamka INA-GUUXAA

Sallaxley (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa maanta Xadhigga ka jaray dhismaha Kastam Cusub oo xukuumaddu ka hirgelisay tuulada Ina-Guuxaa oo ka tirsan degmada Sallaxley ee gobolka Maroodijeex.

Munaasibad xadhig-ka-jarista oo lagu qabtay xarunta Kastamka Ina-Guuxaa, waxa Wasiirka kala Qayb-galay Wasiirro xukuumadda ka tirsan, saraakiil ka socday wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Maamulka degmada Sallaxley, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo madax-dhaqameed.
Maamulka Degmada Sallaxley iyo Qaybaha bulshada deegaanka Ina Guuxaa ayaa soo dhaweeyay furtitaanka kastamka cusub oo ay xukuumadda uga mahad-celiyeen hirgelintiisa maadaama uu kastamku ku yaallo Xuduudka u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire oo ka hadlay munaasibadda, ayaa sheegay in ujeeddada ugu weyn ee loo hirgeliyey kastamku tahay sidii loola dagaalami lahaa Badeecadaha Qarsoodiga lagu soo geliyo dalka isla markaana uu ka qayb-qaadan doono dakhli-ururinta degmada iyo adeegyada horumarinta ee deegaanka uu ku yaallo.

Dr Sacad Cali Shire
Dr Sacad Cali Shire

“Kastamku uu dhammaystiran yahay, waxaan doonayaa inaan idinla qaybsado in Kastamka wax kasta oo uu u baahnaa ay u dhammaystiran yihiin, inuu shaqeeyona wuu u baahan yahay laga bilaabo maanta,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Sacad oo munaasibadda ka hadlayey.

Wasiirka oo ka hadlayey muuhimadda hirgelinta uu kastanku u leeyahay Qaranka iyo waajibaadka looga baahan yahay bulshada deegaanka waxa uu yidhi, “Kastamku wuu anfici doonaa deegaanka iyo dalkaba. Laakiin, si loo intifaacsado wuxuu u baahan yahay in la garab-galo. Kastam kasta qiimihiisu waxa weeyi inta dakhli ee soo gasha.

“Si loo helo dakhli deegaanka iyo dadkuba intifaacsado, waxa loo baahan yahay in lala dagaalamo kontarabaanka oo lala shaqeeyo, shaqaalaha kastamka,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Wershadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sheegay inaanay shaqada Kastamku ku koobanayn oo kaliya dakhli-ururin balse uu dhinaca ilaalinta ammaankana qayb laxaad leh ka qaato.

“Kastamku Wuxuu Leeyahay hawl Ka Ballaadhan Ta Dakhliga oo ah Nabadgelyada,” sidaas ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Wershadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Md Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa rejo fiican ka muujiyey waxtarka uu Kastamku u geysan doono deegaanka iyo bulshada ku Dhaqan deegaanka Ina Guuxa oo ku yaalla xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia.

Gebo-gabadii, Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire ayaa si rasmi ah xadhiga uga jiray kastamka Ina Guuxaa oo uu ku tilmaamay inuu muhiimad gaar ah u leeyahay deegaanka iyo bulshada ku nool.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net