Wasiirka Ganacsiga Oo Xaqiijiyay In Haamaha Shidaalka Shirkad Gaar ah Lagu Wareejinaayo iyo  Gudida Ilaalinta Hantida Qarnka Oo Badhitaan Ku Haysa

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka ganacsiga Muuse Qaasima ayaa gudida ilaalinta hantida qarnka si rasmi ah ugu xaqiijiyay in shirkad gaar loo leeyahay lagu wareejinaayo haamaha shidaalka ee dawlada.

Gudida ilaalinta hantida qaranka oo kulan la qaadatay wasiirka ganacsiga, ayaa wasaaradaas ku tilmaamay mid la rifay, isla markaasna dhamaan shaqooyinkeedii la geeyay meelo kale, waxaanay sheegeen inay baadhitaan ku hayaan shirkada lagu wareejinaayo iyo qaabka ay ku heshay inuu tartan yahay in lagu naasnujinaayo.

Waxa sidan warbaahinta ugu sheegay xarunta golaha wakiilada xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo gudidan ka mid ah waxaan isaga oo ugu horayntii wasaarada ka hadlaayay uu yidhi “Wasaaradii ganacsiga waa la rifay oo waxyaabo badan oo ay xaq u lahayd waa laga googooyay haday ahaan lahayd wax dalka ku soo daga iyo wax ka dhoofaba, sida oo kale waxa laga gooyay taladii guud ee dalkan ganacsigiisa, waxaad moodaa in shaqadeedii oo dhan lagu soo koobay inay bixiso liisan ganacsi, wax kale daayo ganasiga xoolaha iyo sidii loogu raadin lahaa suuqgayn dhamaan in aanay shaqo ku lahayn.”

????????????????????????????????????

Xildhibaanka oo la su’aalay wakhtiga haamaha shidaalka la wareejinaayo waxa uu yidhi“Wasiirku muu ka hadlin wakhtiga haamaha la wareejinaayo, laakiin waxa uu qiray in haamaha la wareejinaayo iyada oo la kiraynaayo, isaga oo sheegay in saxeexa ugu danbeeya ay wasaaradu leedahay.waxaana is waydiin mudan sida ay dhacdadaasi u noqon karayso mid cadaalad ah, waxa is waydiin leh tartamayaal ma jiraan se ma loo cadaalad samaynayaa, mise cid gaar ah ayaa ku jirta waa arinta ay gudidu baadhitaankeeda ku jirto maalmaha soo socdana ay warka ka soo saari doonto.”