Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo Kormeer Noociisu Ugub yahay ku maray MCH-yada Hargeysa iyo Ujeeddada Qorshaha ka dambeeya

Wasiirka CaafimaadakHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), ayaa maanta kormeeray Xarumaha Adeegyada Caafimaad ee hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee magaalada Hargeysa.

Kormeerka oo ay wasiirka ku wehelinayeen Agaasime-waaxeedyada Maamulka iyo Caafimaadka guud ee Wasaaradda, ayaa ujeeddadiisu ahayd mid wasiirku ugu kuur-galayey xaaladda xarumaha, Aqoonta Caafimaa ee shaqaalaha ka hawl-gala iyo tayada adeegyada caafimaad ee ay bixiyaan Xarumaha MCH-yada ee magaalada Hargeysa. Sidoo kale Ujeeddada Kormeerka wasiirku ku maray Xannaanooyinka Hargeysa qaarkood, ayaa qayb ka ah qorshe lagu horumarinayo isla markaana lagu ballaadhinayo adeegyada caafimaad ee bulshada u qabtaan Xarumaha adeegyada Caafimaad ee Hooyada iyo Dhallaanka guud ahaan dalka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada Aqooneed ee hawl-wadeennada ka shaqeeya goobaha Caafimaad.
Md Saleebaan oo kormeerkiisani noqonayo kii ugu horreeyey noociisa ee uu mar kaliya ku maro dhowr xarun-caafimaad oo oo xaafadaha magaalada Hargeysa qaarkood, waxa uu si gaar ah ugu kuur-galay qaab-hawleedka shaqaalaha iyo adeegyada ay bulshadu ka hesho xarumaha caafimaad.

Dr Saleebaan Ciise Axmed waxa uu kormeerkiisa ka bilaabay Laba Xarumood oo Dhallaanka iyo Hooyada ah oo ku yaala Xaafadda Daami ee magaalada Hargeysa, isagoo wasiirku ku beegmay xilli ay ku sugnaayeen dadweyne adeeg caafimaad loogu qabanay xarumaha, waxaanu halkaas kula kulmay maamulka iyo hawl-wadeennada heeganka ku ah Xarumaha, kuwaas oo uu ka dhegaystay warbixinno la xidhiidha hawl-qabadkooda iyo noocyada adeegyada ay bulshada u qabtaan.

Kormeerka Wasiir Saleebaan Xagla-toosiye oo Kedis ku noqday maamulka iyo hawl-wadeennada Xannaanooyinka uu booqday oo mar kaliya u war-helay wasiirkii Caafimaadka Somaliland oo dhex-taagan Xarumaha, waxa kale oo uu booqasho ku maray Xannaanooyin ku yaalla Xaafadaha Xawaadle iyo Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu si gaar ah ugu kuur-galay isla markaana uu gacantiisa ula tagay Daawooyinka ku keydsan oo uu baadhitaan ku sameeyey tayadooda.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN IYO HADALKA WASIIRKA HALKAN KA DAAWO