Wasiir Xirsi Oo Sheegay Inaanay Weli Ku Guulaysan Baadi-goobkoodii Baahida Maal-geshi Ee Dekeda Berbera

Hargeya, (SLpost)- Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka warbixiyay kulamo ay la yeesheen isaga wefti wehelinayaa shirkado ajaanib ah oo ay kala hadleen maalgeshiga dekeda Berbera.“Siilaanyo waad garanaysaa, ragga ku xeeranna waad garanaysaa, ma nihin raggii ku tagayey hanjabaaddaa” Wasiir Xirsi

Weftiga uu hogaaminayo wasiir Xirsi oo ku sugan Imaaraat-ka ayaa kulamo la yeeshay shirkaddo door ah, waxaanu wasiirku sheegay inaanay weli arag shirkad ka turjumaysaa baahida ay u socdaan ee ah. “Waxaanu la kulanay masuuliyiinta shirkado aanu doonayno inay maal-geliyaan dekeda Berbera oo ay ka mid yihiin dekeda Jamal Cali ee Imaaraat-lka, kulankaasi wuxuu ahaa midh-dhal, waxay shirkaduhuna wateen iyaguna baahiyahoodii iyo dalabkoodii, anaguna waxaanu wadanay dalabkayagii iyo baahiyahagii.” ayuu yidhi wasiirka madaxtooyadu, waxaanu intaas ku daray, isla markaana uu faahfaahin ka bixiyay nooca horumarineed ee ay dekeda Berberi u baahan tahay, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi. “Dekedu waxay u baahan tahay in la horumariyo ee inay meel taagnaato waa la dhaafayaa, markaa waxay u baahan tahay in la suurto-geliyo deked balaadhan oo adeeg balaadhan oo qiimo leh qabata, waxaanay u baahan tahay lacag badan oo lacag baa lacag dhasha, marka la doonayo in wax weyn laga soo saaro waa in wax weyn la galiyaa. Sidoo kale baahideenu kuma xadidna shirkad keli ah ama waddan keliya ee waxaynu u aragno danteena ayaynu ka turjumaynaa, wixii aanu doonaynay inuu waddankeena u qabsoomo wax ka turjumaya weli maanaan arag, ilaa intaanu gaadhaynana waanu wadaynaa.”

Somalilandpost.net