Wasiir Samaale oo Dhacdooyin Nebi Muxamed (CSW) goob-joog uga ahaa ku Lammaaneeyey Xil-wareejintiisa iyo Go’aankii uu ka tanaasulay Xilkii loo magacaabay

Wasiir Samaale oo Dhacdooyin Nebi Muxamed (CSW) goob-joog uga ahaa ku Lammaaneeyey Xil-wareejintiisa iyo Go’aankii uu ka tanaasulay Xilkii loo magacaabayHargeysa (SLpost)- Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda uu Madaxweyne Siilaanyo dhowaan u magacaabay Samsam Cabdi Aadan, ayaa Maanta xilka kala wareegtay Wasiirkii hore ee Wasaaraddaas Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isagu iska casilay Xilk Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo madaxweynuhu u wareejiyey, kaddib markii uu sheegay inaanu madaxweynuhu ku war-gelin isbeddelka uu ku samaynayo, isaga oo cid kale oo aanu magac-dhebin u nisbeeyey inay madaxweynaha ku qanciyeen beddelkiisa.

Munaasibadda Xil-wareejinta oo lagu qabtay Xarunta dhismaha cusub ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland oo ay ka qaybgaleen Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Masuuliyiiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda, Madax-dhaqameed,m Siyaasiyiin, Xildhibaanno, Masuuliyiin ka socday Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE iyo Marti-sharaf kale.

Wasiir Cabdicasiis Samaale oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey munaasibadda, ayaa sababaha xilka lagaga wareejiyey oo uu saluug ka muujiyey u soo qaatay dhacdooyin xambaarsan qisooyin ku xusan taariikhda Islaamka oo Nebi Muxamed (SCW) kala kulmay shakhsiyaad munaafaqiintii ku dhex-jiray Muslimiintii ku noolayd magaalada Madiina ka mid ah.

Halkan ka daawo Khudbadda Wasiir Samaale, Wasiirka Cusub ee Xilka la wareegay iyo Masuuliyiin kale oo ka hadashay munaasibadda.