Wasaaradda Duulista Oo Beenisay In Lagu Leeyahay Dayn ka baxsan Miisaaniyadooda

Hargeysa (SLpost)-Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Somaliland ayaa beenisay in war lagu baahiyay qaar ka mid qalabka warbaahinta oo sheegay in xafladii xil wareejinta labadii agaasime guud xilka kulak ala wareegayeen lagu soo bandhigay xadiga daymo lagu leeyahay wasaaradda.

Wasaaraddu waxay sheegtay inaanay jirin wax dayn ah oo ka baxsan miisaaniyad sanadeedkooda oo ay galeen, isla markaana waxay hanta dhawraha guud ka dalbadeen inuu baadhis ku sameeyo daymaha la sheegay in wasaaradooda lagu leeyahay.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray afhayeenka Wasaaradda duulista iyo gaadiidka hawadda Cabdilaahi Axmed Caarshe waxaanu u dhignaa sidan:-

Somalilandpost News

“Annaga oo tixraacayna qoraalo lagu faafiyey warbaahinta qaarkeed oo tilmaamayey dayn lagu leeyahay wasaarada Duulista oo ay la kala wareegeen agaasimhii hore iyo agaasimaha cusub, waxaanu halkan ku cadaynaynaa in aanu qoraalkaasi ahayn kii saxda ahaa ee loogu tallo galay xil-wareeejinta labada agaasime.

waxaana ka marag ka caya in qoraaladaasi ay been yihiin ma lahayn wax saxeex ah iyo shaambadtoona,isla markaana ma ogolaan Wasiirka wasaaradu .

Mar labaad waxaanu war saxaafadeedkan ku cadaynaynaa in aanay jirin daynh dhan $179,866, taas oo lagu leeyahay Wasaarada Duulista {waa sida qoraalada lagu faafiyaye},iyo in ay wasaaradu dayn la ciirciirayso.

Sideedaba, wasaaradu ma gasho mana geli garto dayn ama kharash aan ugu jirin miisaaniyad ( Budget) sanadeedka dawlada. Cidii gasha dayn ka baxsan miisaaniyada loogu tallo galay wasaarada waa mid u gaar ah masuulkaas.
Tusaale ahaan:-

1.qoraaladaa waxaa lagu soo bandhigay in shirkada wadaniga ah ee dhismaha Daryeel ay Wasaarada ku leedahay lacag dhan $85526.66
Gebi ahaanba arintaasi maaha mid jirta, shirkada Daryeel-na Wasaarada waxay kaga leedahay mashaariicdii dib u dhiska madaarka caasimada lacag dhan $30,000 oo kali ah . lacagtaasina waxay ugu jirtaa miisaaniyad sanadeedka Sub head ka 2.2.1.41
2: sidoo kale lacagaha lagu sheegay ijaarka guriga wasaarada in lagu leeyahay deyn dhan $10,500 waa mid aan sal iyo raad-toona lahayn.

lacagta ijaarka wasaaradu waxay isaga bixisaa si joogta ah waxayna ku soo aroortay miisaaniyada qaranka sub-ahead 2.2.15 Sidoo kale waxa qoraalka lagu sheegay in shirkada nalka madaarka ee Kaah ay wasaarada ku leedahay $20,860.

Kharashka nalka madaarka Hargeysa waa kharash loo galay sifo sharci ah, iyada oo aan ku jirin miisaaniyad sanadeedkan waxay lacagtaasi ku jirtaa qorshe miisaniyadeedka 2014 ,Sub head ka 2.2.1.41
3: waxa kale oo qoraalka lagu sheegay in shirkada dhismaha Haboon Construction ee dhisaysa xuranta wasaarada ay wasaarada ku leedahay dayn dhan $36500.

Kharashkaasina maaha dayn lagu leeyahay wasaarada ee waa kharash ku jiray budgetka wasaarada 2013, Sub 2.3.2.1 waana mid hada gacanta lagu hayo waana Sadex biloodkan hada baxaya Oct-Dec 2013.

4: waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay daymo telefoono ay isticmaaleen Wasiirka iyo agaasimuhu, Ugu horayn ma jiro kharashaad telefoon oo madaxda wasaarada ugu jirta budgetka sanadlaha ah.

Wasiirka iyo agaasimuhu iyagaa iska bixinaya kharashka telefoonkooda,Shirkada telesom-na waa ka markhaati in masuul kastaa uu iska bixiyo kharashka telefoonkiisa sanad kasta(2011-2012). Dhammaan agaasime waaxeedyada,maamulayaasha madaarada , masuuliyiinta kale ee wasaarada, agaasimaha guud iyo Wasiirka, waxaa sifo rasmi ah loogu wargaliyay shirkadaha telefoonada in aanay wasaaradu ka masuul ahayn kharashaadka telefoonadooda xiligii xukuumadani ay tallada dalka la wareegtay, ka dib markii dayn xad dhaaf ah lagu qaanabay wasaarada.

5. Waxaa sidoo kale war bixinta lagu xusay dayman badan oo ay wasaarada ku leeyihiin warbaahinta madaxa banaan. Benaale markhaatigiisa ayuu fogeeyaaye’, waa mid aan waxba ka jirin.

Wasaaradu waxay si cad u beeninaysaa in aanu jirin kharash dayn ay ku gashay xiligii ololaha doorashada musharaxiinta xisbiga kulmiye, sida qoraalka lagu muujiyay lacagtaas oo dhan $550.

Miisaaniyada wasaaradu waa kharash miisaaniyadeed loogu tallo galay hawlaha ay wasaaradu qaranka u hayso, ma jirto lacag ugu jirta olole doorasho.

Sidaa darteed, Kharashaadkii ololaha doorashada xisbiga KULMIYE waxaa ka masuul ahaa hoggaanka xisbiga KULMIYE, sida kharashaadka warbaahinta murashaxiinta lagu soo bandhigayay. Balse ma ahayn mid ay ka masuul ahayd wasaarada duulista ama wasaaradaha kale ee la mid ah .

Ugu dambayntii waxaanu ka codsanaynaa hanti dhawrka qaranka inuu baadhis rasmi ah ku sameeyo xarunta wasaarada duulista iyo gaar ahaan daynta xil wareejinta.”

Somalilandpost.net

Hargaysa