Wasaaradda Beeraha Somaliland oo walaac xooggan ka muujisay Ayax si baaxad leh ugu baahaya dalka

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Beeraha Somaliland, ayaa mar kale walaac xooggan ka muujisay baaxadda marxaladda uu marayo cayayaanka Ayaxa oo ku sii baahaya deegaannada Xeebta iyo Bananka dalka Somaliland, kaasoo dhawrkii bilood ee u dambeeyey u kala dab-qaadayey gobollada iyo degmooyinka waddanka qaar badan oo ka tirsan.

War-Saxaafadeed maanta ka soo baxay xarunta Wasaaradda Beeraha ee magaalada Hargeysa, ayaa lagu sheegay inaanay Wasaaraddu isticmaali Karin waqtigan Sunta Kiimikada ah ee loogu talo-galay la-dagaallanka Ayaxa heerka uu marayo oo aan la xakamayn Karin awgeed.

wasiirka beerahaQoraalka War-Saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-

Wasaaradda  Beeraha  Somaliland  waxay caddaynaysaa iyadoo horana  dhowr jeer  digniino u soo saartay in Ayaxii ku habsaday Xeebaha Badda Cas ee Somaliland uu haatan khatar ku haya deegan-daaqsimeedka  goballada Selel, Awdal, Saaxil iyo Sanaag.

Ayaxaas oo haatan dam ka siiyey Daaq badan gaar ahaan Banka Giriyaad, Lughaya,  Cabdi-geeddi,  Ceel-darad iyo  Banka Goobaare, wuxuu Ayaxaas oo haatan korankor ahi u gudbayaa  dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.

Waxa jirta in xilligan Xoolo aad u fara badani ay ku sugan yihiin jiidahaasi Ayaxu ku habsaday oo ay adag tahay in la isticmaalo Sunta kiimikada ah ee lagu buufiyo Ayaxa sida MALATHION. Sidaas darteed, Wasaaradda Beeruhu waxay ku talo-bixinaysaa in aan lagu deg-degin in loo isticmaalo Sunta khatarta ku ah Xoolaha, dadka  iyo deeganka-ba,  balse loo isticmaalo habka makaanikalka  ah.

Wasaaraddu waxay  ka waddaa jiidahaas dawo aan Xoolaha iyo dadka toona u lahayn dhibaato, hase-yeeshee, Ayaxa ayaa ka baaxad waynaaday arrintaas. Wasaaraddu  waxay si deg-deg ah isugu  yeedhay  Hay’adaha Caalamiga ah ee ay khusayso arrinta Ayaxa sida FOA, DLCO markii Labaad.”

SOMALILANDPOST.NET