Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland oo ka hadashay doorashada Hoggaanka Jaaliyadaha Debedda

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, ayaa ka hadashay khilaaf ka dhashay doorashada jaaliyadaha dibadu ay ku doortaan Hoggaankooda.
War-saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha dibada Md. Faysal Cali Sheekh Maxamed, oo arrintan ka hadlaya, ayaa u dhignaa sidan:
“Waxaa na soo gaadhay is fahan-waa ku saabsan nidaamka ay jaaliyaduha Qurbo-jooga Somaliland ay ku doortaan cida Masuulka ka noqonaysa.
Sidaa darteed waxay wasaaradda Arimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga cadaynaysaa in Ururada iyo Jimciyadaha Jaaliyadaha aanay dawlada Masuuliyad ka saarnayn Magaacibidda Masuuliyiinta hoggaamisa. Jaaliyaduhu iyagaaa u madax-banaan sida ay isu maamulayaan iyo cida ay hormoodka ka noqonaysa.”

SOMALILANDPOST.NET

webmaster[at]somalilandpost.net