Warbixin Ka Soo Baxaysa Nukliyeerka Iiraan

Iiraan(SLpost)-Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan nukliyeerka, ee loo soo gaabiyo IAEA, ayaa la filayaa in ay soo saarto warbixin ay ku caddeynayso in Iiraan ay ka soo baxday waajibaadkeedii ku aadanaa heshiiska barnaamijkeeda nukliyeerka ee ay xagaagii la soo dhaafay la gashay 6 dal ee ugu awoodda badan caalamka.

Warbixinta ayey suuragal tahay in ay horseedo in Iiraan laga qaado cunaqabateennada caalamiga ah ee la xiriira barnaamijkeeda nukliyeerka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, John Kerry ayaa sheegay in dhiggiisa Iiraan Javad Zarid la filayo in uu maanta booqdo xarunta Qaramada Midoobay ee Vienna halkaasi oo ay xarun ku leedahay Hay’adda Quwadda Nukliyeerka ee Qaramada Midoobay.

Diblumaasiyiinta ayaa sheegaya in goor dhaw warbixinta la daabici doono.

Waxaa la filayaa in ay warbixintu xaqiijiso in Iiraan ay saddex meelood laba meel ay yareysay kobcinta barnaamijkeeda nukliyeerka.