Wararkii u dambeeyey Soomaaliya oo Xaalad deg-deg ah lagaga dhawaaqay

Kulanka raiisalwasaare Rooble iyo taliyeyaasha2

Muqdisho (SLpost)- Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay inay dalkaasi ka jrto xalad deg deg ah oo bani’aadaminnimo.

Ra’iisal-wasaaraha ayaa hadalkan ku baahiyey bartiisa Twitterka. Waxa uu sheegay inuu tallaabadan u qaaday sababo la xidhiidha abaaraha waddanka ku dhuftay.

Waxa uu Ra’iisal-wasaare ku baaqay kaalmo dibedda iyo gudaha labada ka timaadda si dadka abaaruhu saameeyeen loogu gurmado.

Qaramada Midoobay ayaa tododbaadkan sheegtay inay abaartu saamaysay 80% dalkaasi Soomaaliya kadib markii saddex xilli oo isku xigta la waayey roobabkii.

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha u qaabilsa Qaramada Midoobay ee FAO ayaa ka digtay in xaaladda abaaruhu kasii dari doonaan bisha December ee soo socota iyo saddexda bilood ee ugu horreeya sannadka 2022-ka.

Abaarta ayaa la sheegay inay si daran ugu dhufatay gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana gobollada ay si ba’an u saamaysay ka mid ah gobollada Jubbada Hoose, Gedo, Hiiraan, Bay iyo Bakool.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net