Wararkii u dambeeyey ee Xaaladda dalka Ethiopia, Saraakiil la xidh-xidhay, Hanjabaadda Abiy Axmed iyo Drones loogu deeqay

 

Addis Ababa (SLpost)- Boqolaal shacab ah ayaa ku barakacay hawl-gallada Milatari ee dowladda Ethiopia ka waddo gudaha gobolka Tigray ee dalkaas iyo iskacaabinta Jabhadda TPLF, kuwaas oo u tallaabay dhinaca xadka dalkaasi la leeyahay waddanka Sudan.

Ciidamada Cirka Ethiopia ayaa weerarro dhanka cirka ah ku bartilmaameedsaday goobo ay leeyihiin jabhadda TPLF, iyadoo ay barbar socdaan weerarro xagga dhulka ah oo Milatariga Federaalku ku qaadeen gobolkaas oo ay gacanta ku hayaan Jabhadda TPLF.

Wasaaradda Difaaca ee dalka Ethiopia, ayaa sheegtay in ujeeddada duullaanka Milatari ee dowladda Federaalku ku qaadday gobolka Tigray uu yahay mid lagu tirtirayo Jabhadda TPLF oo ay ku tilmaantay inay khatar ku yihiin ammaanka iyo Dowladnimada Qaranka Ethiopia.

Wasiirka gaashaan-dhigga dowladda Ethiopia Dr. Kenea Yadeta oo warbaahinta la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey wax uu ku tilmaamay marin-habaabin iyo warar kutiri-kuteen ah oo Jabhadda TPLF ka faafisay hawl-gallo ciidammada Milatariga Ethiopia ka fuliyeen Ismaamulka gobolka Tigray ee Woqooyiga dalkaas.

Wasiirka difaaca Ethiopia waxa uu war-xumo-tashiil been-abuur ah ku tilmaamay warar jabhadda TPLF ku shaacisay in dowladda Ethiopia oo ay taageerayaan Xoogag dibadeed ay weerar ku hayaan oo bartilmaameedsanayaan Shacabka ku dhaqan gobolka Tigray, waxaanu sheegay in hawl-gallada Milatari  lagu bartilmaameedsanayo Xubnaha jabhadda TPLF iyo madaxdooda.

Wasiirku waxa uu sheegay in ciidamada Milatarigu ku guulaysteen inay aagag cusub kala wareegaan xoogagga TPLF gudaha gobolka Tigray.

 

Saraakiil Milatari oo la xidh-xidhay

Sida aanu ka soo xigannay wakaaladda Wararka ee FANA, waxa la xidh-xidhay 17 ka tirsan saraakiisha ciidamada Milatariga dalka Ethiopia, kuwaas oo lagu eedeeyey inay ka caawiyeen xooggaga TPLF ee gobolka Tigray inay weeraraan saldhigyda Milatariga dalkaas todobaad ka hor.

Saraakiisha ayaa lagu eedeyey inay ku kacee khiyaamo Qaran, kaddib markii ay ka caawiyeen xoggga TPLF in isgaadhsiinta laga jaro taliska Ciidamada ee Woqooyiga dalkaas iyo Xarunta Dhexe ee Taliska Milatariga Ethiopia si aan loogu soo gurman weerar lagu qaaday saldhig Milatari oo ku yaalla gobolka Woqooyiga dalkaas ku yaalla ee Tigray, halkaas oo lagu laayey askar tiro badan, qaar kalena lagu dhaawacay, halka sidoo kale la fadhataystay sannad milatari, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka booliska Federaalka Ethiopia.

“Waxay baal-mareen gudashada masuuliyadii ay ku aamineen Dowladda, Shacabka Ethiopia iyo Ciidamada Difaaca, waxayna gacan-siiyeen shuftada TPLF oo weerarka ciidanka ay u fududeeyeen,” sidaas ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Taliska Booliska Federaalka.

Sida ay sheegtay wakaaladda FANA, saraakiisha la xidh-xidhay waxa ka mid ah Jeneraal Gebremedihn oo la sheegay in lagu qabtay isagoo walxaha qarxa u diraya xoogagga TPLF ee dagaalka kula jira dowladda Ethiopia.

 

Weerarro Xagga Cirka ah oo lagu qaaday Gobolka Tigray

Ciidanka Cirka ee dalka Ethiopia, ayaa shaaciyey inay duqeymo ka fuliyeen bartilmaameedyo ku yaalla gudaha gobolka Tigray 24 saacadood ee u dambeeyey.

Taliyaha Ciidamada Cirka ee dalka Jeneraal Yilma Merdassa, ayaa u sheegay warbaahinta inay weerarro circa ah ku qaadeen goobo lagu keydiyey hub iyo Shidaal iyo bartilmaameedyo kale oo xoogagga TPLF qorshaynayeen inay u isticmaalaan dagaalka ka dhanka ah dowladda Federaalka ee Ethiopia.

Waxa uu taliyuhu intaas ku daray oo sheegay inay ciidamada Cirka ee dalkaasi sii wadi-doonaan weerarrada ilaa inta sharciga laga horkeenayo xoogagga TPLF, sida uu hadalka u dhigay.

Raysal-wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed, ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter shalay ku sheegay inaanay dowladdiisu wax wada-xaajood ah la geli doonin Maamulka gobolka Tigray iyo Jabhadda TPLF, waxaanu ku gooddiyey inaan la joojin doonin hawl-gallada Milatari ilaa sharciga dalka Ethiopia lagu soo dabbaalayo gobolka Tigray oo xilligan ay gacanta ku hayaan Hoggaanka TPLF.

 

Israel oo 27 Diyaaradaha Is-wada ugu deeqday Ethiopia

Dowladda Israel ayaa ugu deeqday 27 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay dalka Ethiopia uga caawiyaan la-dagaalanka Ayaxa oo dhibaato ba’an ku haya beeralayda dalkaas, sida ay sheegtay wasaaradda Beeraha ee dalkaas.

Saraakiil ka socday dowladda Israel oo agabka ka soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa shalay, ayaa diyaaradaha iyo Laba mishiin oo kale ku wareejiyey Wasiirka Beeraha Ethiopia, Oumer Hussine.

Sida ay faafisay wakaaladda wararka ee FANA, wasiirka Beeraha Ethiopia, ayaa sheegay in diyaaradaha Is-wada ka caawin doonaan wasaaraddiisa sidii ay xilliyada habeenkii u samayn lahaayeen hawl-gallo ay ku buufinayaan Ayaxa.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net