Wararkii u Dambeeyey ee Duullaanka Israel ku qaadday Gaza, Tirada Dhimashada Shacabka oo sii Kordhaysa iyo Askar Yuhuud ah oo la laayey

Cairo (SLpost)- Waxa maalintii Afraad galay Hawl-gallada Milatari ee duqeynta iyo go’doominta Ciidamada Yuhuuddu ka fulinayaan Marinka Gaza ee dalka Falastiin, waxaana sii kordhaya tirada khasaaraha dhimashada ee Dadka Rayidka ah ka soo gaadhay Duqeyn aan loo aabbe yeelanayn oo lagu garaacayo dhowr magaalo oo ku yaala Marinka Gaza ee Kooxda Xamaas ka taliso.

Shalay oo kaliya, waxa dadka dhintay ka mid ah Qoys reer Falastiin ah oo siddeed qof ka kooban, kuwaas oo gurigooda lala beegsaday madaafiic ciidamada Dhulka ee Yuhuuddu ku garaaceen magalaada Gaza.

Taas oo tirada shacabka Falastiin ee ku dhintay madaafiicda Yuhuudda ilaa 8-dii bishan ka dhigaysa 342 Falastiiniyiin ah oo u badan dad shacab ah.

Israel_Gaza (2)Hay’adda Qaramada u qaabilsan Carruurta ee UNICEF, ayaa sheegay inay 73 carruur reer Falastiin ahi ku dhinteen duqeymaha Israel.

Sidoo kale, Gantaalaha kooxda Xamaas ku ridayso gudaha Israel waxa shalay ku dhintay Qof Xoolo-dhaqato oo ku nool miyiga dalka Israel. Gantaalka ay ridday kooxda Xamaas ee sababay dhimashada Ninka Reer Miyiga waxa kale oo dhaawacyo ka soo gaadheen xubno qoyskiisa ka tirsan, sida ay sheegeen Booliska Yuhuudda,

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa la filayaa inuu socdaal ku gaadho gobolka si uu dhex-dhexaadin uga dhex-bilaabo Israel iyo Hamas.

Israel_Gaza (1)Ciidamada Israel ayaa weerarka Dhulka ah ku bilaabay Marinka Gaza 17-kii bishan, ka dib 10 maalmood ay duqeyn xagga Cirka ah ku wadeen Shacabka Falastiinihiinta, balse ay ku guul-darraysteen inay joojiyaan gantaalada Hamas ku ridaysay gudaha Israel.

Ilaa maalintii ay Yuhuuddu weerarka Dhulka ah ku bilowday Gaza, waxa ku dhintay dad shacab ah oo tiradooda lagu qiyaasay 60 qof

Todobaadkan gudihiisa duqeyn diyaaradaha Israel ka geysteen Masaajid ku yaala magaalada Khan Younis oo ku taala Koonfurta Marinka Gaza, waxaana halkaas ku dhintay todoba qof oo shacab ah.

Sida ay sheegeen saraakiisha milatariga ee Israel, tan iyo maalintii uu bilaabmay dagaalka u dhexeeya Yuhuudda iyo Hamas, waxa dagaalka ku dhintay saddex Askari iyo Laba Qof oo Shacabka Israel ah.

Saraakiisha hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka hawl-gala Gaza, ayaa shaaca ka qaaday inay dagaallada ku bara-kaceen 50,000 oo shacabka reer Falastiin ee ku dhaqan Marinka Gaza.

Dhinaca kale, magaalada Woqooyiga Israel ku taala ee Haifa, waxa ka dhacay bannaan-baxyo lid isku ah oo qaar lagu diiddan yahay, qaarna lagu taageerayo Duullaanka ciidamadoodu ku hayaan Gaza, iyada oo boqolaal Qof oo labada dhinacba taageerayaal ka qayb-qaateen bannaan-baxa.

Sida lagu baahiyey website ugu caansan ee lagu baahiyo wararka Israel ee Haaretz, magaalada Tel Aviv ee xarunta Yuhuudda, waxa uu Isku-dhac ku dhexmaray Dibad-baxeyaal taageersan hawl-galka Ciidamada Israel iyo qaar ka soo horjeeda duullaanka ay ku qaadeen dhulka iyo Shacabka reer Falastiin.

SOMALILANDPOST.NET