Wararkii u dambeeyey Dagaallada Ethiopia oo Dowladdu Guulo ka sheegatay +(Khariiradda Dagaalka)

Addis Ababa (SLpost)- Ciidammada Milatariga Federaalka Itoobiya ayaa dib ula wareegay gacan-ku-haynta magaalada Chifra ee gobolka Canfarta, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda oo warkan baahisay Axadda maanta.

Tan ayaa noqonaysa guushii ugu weynayd ee Ciidamada Milatarigu ka gaadhaan dagaalka ay kula jiraan xoogagga Tigreega tan iyo markii uu Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed ka soo muuqday jiidaha hore ee dagaalka labo maalmood ka hor.

Jabhadda Tigreega ee TPLF ayaa qabsatay magaalada Chifra oo ku taalla xuduudka u dhexeeya gobollada Canfarta iyo Axmaarada, ka dib markii uu sii xoogaystay dagaal bishii hore ku dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo xoogag taabacsan kooxda TPLF.

“Ciidanka Difaaca Itoobiya iyo kuwa gaarka ah ee Canfarta ayaa gacanta ku dhigay Chifra,” sidaas waxa boggooga Twitter ku baahiyey Warbaahinta Itoobiya ee EBC oo aan faahfaahin intaas dheer ka sheegin xaaladda dagaalka.

Ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashada guulaha dagaalka ee dowladda Ethiopia, sida sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters oo isku-day aan lagu guulaysan xidhiidho kula samaysay afhayeenka dowladda Ethiopia Legesse Tulu iyo afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda oo aanay u suurto-galin inay khadka telefoonka ku hesho.

Magaalada Chifra ayaa 43KM dhinaca Galbeed ka xigta magaalada Mille oo ay xoogagga Tigreegu toddobaadyadii u dambeeyey isku dayayeen inay qabsadaan. Magaalada Mille ayaa ku taala jidka weyn ee magaalada Addis Ababa ku xidha dekedda Jabuuti oo inta badan dhaqaalaha dalkaasi ku xidhan yahay.

Warbaahinta Fana oo ku hadasha afka dowladda Ethiopia, ayaa Jimcihii baahisay muuqaalka Abiy Ahmed oo ay sheegeen inuu ku sugan yahay Woqooyiga gobolka Canfarta oo ah jiidda hore ee isku hor fadhiyaan Ciidanka Dowladda iyo Jabhadda Tigreega.

Muuqaalka uu ka soo muuqday Abiy Axmed Jimcihii dorraad, waxa uu ku sheegay inay kor u kacday niyadda ciidanka Ethiopia, waxaanu halkaas ka sheegay inay qabsan doonaan magaalada Chifra ee guusheeda maanta la shaaciyey.

Boqolaal Kun oo Dad Shacab ah ayaa naftooda ku waayey, malaayin kalena way ku barakaceen dagaalka tan iyo markii uu bilaabmay bishii November ee sannadkii hore oo uu ka qarxay gobolka Tigreega.

Xoogagga Tigreega ayaa ugu horeyntii dagaalka lagu jabiyey, balse is-abaabul kaddib waxa ay ku guulaysteen inay dib u qabsadaan gobolka Tigray bishii July ee sanndkan, iyagoo markii dambe ku guulaystay inay soo jebiyaan Milariga Ethiopia, waxaanay qabsadeen qaybo badan oo ka tirsan gobollada ay deriska yihiin ee Amxaarada iyo Canfarta, halkaas oo ay ka barakaceen boqolaal kun oo Qof.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net