Warancade Oo Somaliya Ku Dhaliilay Isku Maaweelinta Inay Somaliland U Joogto

Cali Waran-cadde

Somaliland ayaa sheegtay in go’aannadii ka soo baxay shirkii madasha ee lagu go’aamiyay qaabka doorashada Soomaaliya ee 2016 aanay khuseyn Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa sheegay in Somaliland ay mar hore ka go’day Soomaaliya, islamarkaana cid ka wakiil ah Somaliland aanay uga qeybgalin shirkaasi.

Wareysi uu siiyey VOA, ayuu Warancade ku sheegay in wax lagu qoslo ay tahay in madaxda Soomaalida ay weli sheeganayaan “Dal ka go’ay 25 sano ka hor”.

Falastin Axmed Iiman ayaa khadka taleefonka ee Hargeysa ku wareysatay Cali Maxamed Warancadde.