“Wajaale waxay ahayd meeshii Calanka UDUB Eyda u Xidhay” – Marwada Madaxweynaha oo Degmada Tog-Wajaale ku sifaysay Meeshii laga Riday Xukuumaddii UDUB

IMG_0030Tog-Wajaale (SLpost)- Marwada madaxweynaha Somaliland Aamina Maxamuud Jirde (Amin-waris) iyo wefti ballaadhan oo ay hoggaaminayso oo maanta socdaal ku tagay gobolka Gabiley, gaar ahaan magaalada Tog-Wajaale, ayaa lacag 1,000 Dollar ah ugu deeqday Dhismaha Xarun Cusub oo loo hirgelinayo Agoomaha ku dhaqan degmadaas, waxaanay halkaas dhagaxii ugu horreeyey ku dhigtay dhismaha xaruntaas oo noqonaysa markii u horreysay ee magaalada Tog-wajaale yeelato Xarun lagu xannaaneeyo Agoomaha.

Hadal ay Marwadu ka jeedisay Munaasibad loo sameeyey dhagax-dhigga Xaruntan, ayay ku xustay kaalinta ay shacabka reer Tog-Wajaale ku lahaayeen Guushii Xisbiga Kulmiye ku hantay Hoggaanka Dalka, waxaanay xustay in degmada Tog-Wajaale si weyn ugu suntan yahay quluubta Kulmiye.