Wada-hadalladii Somaliland iyo Somalia oo lagu Soo Gunaanaday is-garad laga Gaadhay Murankii Maamulka Hawada ee Labada Waddan

Ankara (SLpost)- Wejigii labaad ee wada-hadallada Somaliland iyo Somalia ee Dawladdu Turkigu gogosha u fidisay oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Ankara, ayaa maanta la soo gebo-gabeeyey, waxaanay ergooyinka labada dhinac wada-hadalladdooda ku soo gunaanadeen Qodobbo nuxurkoodu ku kooban yahay is-garad laga gaadhay murankii dhanka maamulka hawada ee labada waddan.

Qodobbada heshiiskani ka kooban yahay oo tilmaamaya sii-amba-qaadka wada-hadallada laba dal ee dawladda Turkigu marti-galisay oo wejigiisa saddexaad loogu muddeeyey muddo afar bilood ah ka dib, waxaana dhinaca Somaliland heshiiska u saxeexay Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, halka Soomaaliyana uu qalinka ugu duugay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdilkariim Xuseen Guuleed. Waxaanay labada Wasiir sheegeen inay ku qanacsan yihiin heshiiska la gaadhay waxaanay u mahad celiyeen dawladda Turkiga oo isku hawshay ka mido dhalinta wada hadalada labada geesood u socday oo ay marti-gelinaysay.

Sawirka warka koowaadHeshiiskan oo ka kooban saddex Qodob, ayaa waxa cusub hal qodob oo uu kaga duwan yahay qodobbadii lagu heshiiyey wejigii hore ee wada-hadallada Turkiga oo qabsoomay 13kii April, 2013, waxaanu qodobkani tilmaamayaa xal laga gaadhay murankii dhanka maamulka hawada ee Qaramada Midoobay ka dhex-aloostay Somaliland iyo Somaliya.

Saddexda Qodob ee lagu Gaadhay Heshiiska, ayaa u dhignaa sidan:

1)- Maamulka Hawadda lagala Wareego Qarammadda Midoobay oo lagu wareejiyo Guddi wada jir ah oo ka kooban Somaliland iyo Soomaaliya. Gudidaasna fadhigoodu noqdo Hargeysa. Guddidaasi waxay soo gudbin doonaan nidaam si siman dakhliga loogu qeybsan doono.

2)- In la sii wado wada hadaladda.

3)- In wada hadaladda kan ku xigaa lagu qabto isla dalka Turkiga muddo 120 maalmood ah (afar bilood) ah ka dib.

Shirkan, ayaa muddo laba maalmood ah u socday labada Waddan ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana la sheegay inay ahaayeen wada hadaladii ugu adkaa ee labada geesood isku soo hor-fadhiistaan, iyadoo la isku mari waayay ajande ka koobnaa tobanka qodob ee miiska u saarnaa, kuwaas oo xal ka gaadhistooda dib loogu dhigay wejiyo kale oo ergyooyinka labada dal ka socdaa ku kulmaan dalka Turkiga.

Shirka wada-hadallada ee maanta soo gebo-gaboobay, ayaa noqonaya wejigii afraad ee wada-hadallada Somaliland iyo Somaliya, iyada oo wejiyadii koowaad iyo labaad oo ku qabsoomay magaalooyinka London iyo Dubai ay dawladda Somalia ka talinaysay xukuumadda ku-meel gaadhka ahayd ee Sh. Shariif Sh. Axmed, halka labada weji ee u dambeeyey wada-hadallada oo dalka Turkigu marti-galiyey ay ku soo beegmeen wakhti dalkaasi Soomaaliya loo doortay Dawlad Federaal ah oo maamulka kala wareegtay dawladdii ku-meel-gaadhka ahayd ee Sh. Shariif Sh. Axmed.

SOMALILANDPOST.NET