“Waan Aqbalayaa Haddii Doorashada La Iga Guulaysto Dadweynahaana go’aanka iska leh” Madaweynaha DDS

Jigjiga, (SLP)-  Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida-Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay inuu aqbali doono haddii doorashada madaxweynenimo ee deegaankaas lagaga guulaysto.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in shacabka deegaanku ay dooran doonaan hoggaankooda, waxaanu xusay in xisbi ahaan ay hayaan wax-qabad ay ka hirgeliyeen deegaanka, isla markaana ay rajaynayaan in mar kale in la doorto.Iley

“Waxaa doorashada soo socota ku tartami doona shan xisbi oo uu ka mid yahay xisbiga ka taliya deegaanka ee aan anigu ka mid ahay, waxaanan rumaysanahay in shacabku ay dooran doonaan ciddii tusta wax-qabad fiican,” ayuu yidhi madaxweyne Cabdi Maxamuud oo u warramayay idaacada BBC, laanteeda afka Soomaaliga.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in xisbiyada talada deegaanka ku tartami doona la diiwaan-geliyay, isla markaana ololaha doorashaduna uu yahay mid meel wanaagsan maraya xilligan.

“Dadweynaha deegaanku waxay wax ku dooranayaan waa rabitaankooda iyo ciddii tusta wax-qabad iyo horumar. Xisbiyada tartamayana guushiisu waxay ku xidhan tahay hadba wuxuu la yimaado si uu shacabka ugu qanciyo,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxewynaha deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaanu intaas ku daray inay ku dedaali doonaan in doorashadu ay deegaanka uga dhacdo si xor ah oo xaq ah, isla markaana ay doorashadani noqoto mid si dumuqraadi ah ay ugu tartamaan shanta xisbi ee loolanku ka dhexeeyaa.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd inuu aqbalayo haddii doorashada xisbigiisa lagaga guulaysto waxa uu ku jawaabay. “Haa waayo dadweynaha ayaa go’aankooda iska leh, ciddii ay xilka u dhiibtaan ayaa hawsha wadaysa, ciddii aanay u dhiibbana xil qaban maayo.”

Ugu dambeyn, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in go’aanka shacabka lagu qasban yahay in la qaato, shanta xisbi ee tartamaya xisbigii la doortaana deegaanka maamuli doono, kii laga guulaystana la maamuli doono.

 

Somalilandpost

Hargeisa Office