Waalidka Ardayda Abaarso Tech oo si kulul u beeniyey dacaayado laga faafiyey Jaamacaddaas

Hargeysa (SLpost)- Qaar ka mid ah waalidka dhalay caruurta wax ka barata Jaamacadda Abaarso Tech University ayaa sheegay inay ka xunyihiin waxa ay ugu yeedheen dacaayadda raqiiska ah ee laga fidiyey Jaamacadaasi oo ay ku aamineen mustaqbalkii caruurtooda.

Shir jaraa’id oo shalay galab ay ku qabteen Hotelka Impreial ee magaalada Hargeysa, qaar ka tirsan waalidka dhalay caruurta wax ka dhigata Jaamacadda Abaarso iyo masuuliyiin ka mid ah macaliminta Abaarso Tech, waxay sheegeen inay ka been abuureen dad ka xun horumarka jaamacadda.

Waalidiinta Abaarso TechUgu horeyn, Aamina Cismaan Ducaale, Gudoomiyaha guddiga waalidiinta Abaarso Tech, ayaa sheegtay inay ka xuntahay dacaayadda raqiiska ah laga faafiyey Jaamacdaasi “Anniga oo ku hadlay magaca waalidka Jaamacaddaasi waxaanu ka xunahay Dacaayadda aanay waxba ka jirin ee dusha laga saaray Jaamacada Abaarso Tehc. Waxaa iman doonnta maalin sharciga la horkeeni doono kuwii ka dambeeyey ceebta iyo dacaayadda aanay waxba ka jirin ee Jaamacaddaasi dusha laga saaray” ayey tidhi Aamina Cismaan Ducaale.

Sheekh Xasan Maxamed Jaamac oo waalidiinta ka mid ayaa yidhi “Markii aanu 3 sano ka hor caruurtayada gaynaynay Jaamacaddaasi iskamaanu gaynine waxaanu hubinay akhlaaqiyaadka iyo sharciga Jaamacaddaasi” ayuu yidhi, isagoo raaciyey, “Caruurtayada waxaa wax u dhiga Sheekh Imaam ka Masaajid magaalada Hargeysa ku yaal, waxaanay ardaydii Abaarso tech kaalmaha 1aad ka galeen darajooyinka imtixanaaadkii laga qaaday markii ay ka qaybgaleen jaamacado ku yaalla dalka dibaddiisa. Waxaanu kalmad dheer ku leenahay arrintaasi waa waxba kama jiraan waxaanan codsanaynaa in la baadho arrintaasi oo cidii ay khusayso oo dhami aanay intaa kaga hadhine ay gacnata la soo galaan.”

Dhinaca kale, waalidiintaa ayaa amaan weyn u soo jeediyey wasaaradda waxbarashada oo uu  sheegay inay soo xuleen macalimiinta wax ka dhiga jaamacadaasi “Waxaan aad iyo aad  ugu mahad celinaynaa wasaaradda waxbarashada oo soo xushay macalimiinnta wax ka dhigta jaamacaddaasi oo soo hubisay tayada iyo akhlaaqiyaadka jaamacaddaasi,  waxaan aad iyo aad uga xumahay schoolkii aynu ku aaminay caruurtaa aan idiin sheegay inay dacaayad aanay waxba ka jirin maskaxdooda ku duminayaann qaar kamida warbaahintii laga doonayey inay wixii wanaag ahaa ee ka dhiman jaamacadaasi sheegaan.”

Magacyada Gudiga waalidka Jaamacadda Abaarso ee qaarkood ay shirkaasi jaraa’id ku qabteen Hotelka Imperial ee magaalada Hargeysa.

1.Xasan Maxamed Jaamac, 2-ifraax Cismaan Axmed, 3-Xaali Caydiid Ismaaciil, 4-Ruun Xaashi Axmed, 5-Basra Cismaan Xuseen, 6-Nimco Ismaaciil Awcabdi, 7-Farxaan Cali Bootana, 8-Sucaad Cali Ileeye, 9-Amran Cabdi Ismaaciil, 10. Caasha Maxamed Axmed, 11.Aamina Cismaan Ducaale.

SOMALILANDPOST.NET

contact [at]somalilandpost.net