Ururrada Xuquuqal Insaanka Somaliland oo Cambaareeyey Xadhigga Boqor Cismaan Buur-madow iyo Masuuliyiin Eedaymo u xidhan

Hargeysa, 06 April, 2012 (SLpost)- Isku-xidhka aan Dawliga ahayn ee Ururrada Xuquuqal-insaanka Somaliland ayaa cambaareeyey xadhigga sharci-darrada ah ee ay xabsiga ugu jiraan masuuliyiinta xukuumadda ka tirsanaa  iyo Boqor Cismaan Buur-madow.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha isku-xidhka ururrada Xuquuqal-insaanka ee aan Dawliga ahayn Mr. Maxamed Cabdalle Cilmi ayaa u dhignaa sidan:

“Isku-xidhka aan Dawliga ahayn ee Ururada Xuquuqal Insaanka Somaliland wuxu halkan ku canbaaraynayaa xadhiga  xukuumadu kula kacaday muwaadiniinta kala ah:-

1-Boqor Cismaan Aw Maxamuud(Buur-madow) Madax-dhaqmeed

2-Axmed Cumar Xaji Cabdilaahi(Xamarji)-Gudoomiyihii Hore ee G/maroodijeex

3-Axmed Cilmi Bare -Agaasimhii Hore ee Dibudejinta

4-Cismaan Siciid Jaamac-Lataliye Madaxweyne kuxigeenka

Ragan oo la xidhay xiliyo kala duwan horaantii bishii maarso ee aynu ka soo gudubnay  isla markaana xukuumadu ku dooday inay u xidhay eedo ilaa hada cadayntoodii l la keenin  garsoorka hortiisa,isla markaana dhibaato ka soo gaadhay eheladoodii  iyo iyagaba xabsi ku haynta aan mudada lahayn ee lagula kacay.

Difaacayaasha xuquuqada aadanaha oo si dhow isha ugu hayay xadhiga masuuliyiintan waxa ay si weyn uga wer-wersan yihiin in talaabadan xukuumada iyo hay’adeehda sharcigu  ku xidhayaan dadka tiiyoo aanay jirin fal denbiyeed muuqda oo qofku lagu qabtay isagoo faraha kula jira ay horseed u noqon doonto tacadiyo xidhiidha oo ku dhici kara qof kasta ay is qoonsadaan  Dawlada.

Ma jirto cid fasax u haysata in awoodeeda ay u isticmaasho sifo ka baxsan shuruucda wadanka  u yaal,hadii ay dhacaan talaabooyin noocan oo kale ahi,waxay noqon doonaan kuwo lagula xisaabtamo oo u diiwaan gashan qofkii ku kacay.

Waxan halkan baaq uga soo jeedinaynaa Madaxweynaha Somaliland md Axmed Maxamed Maxamuud inuu kaga dhabeeyo balanqaadkiisii  ahaa in karaamada muwaadinku noqon doonto mid la dhawro,isla markaana aanu jiri doonin tacdi dadka loogu geysto magaca dawladda,sidoo kalena muwaadiniinta magacyadoodu kor ku xusan yihiin xoriyadooda loo soo celiyo.”

SLpost News Desk

Hargeysa, Somaliland