Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo Warbixin-sannadeedkiisa ku soo Bandhigay Tacaddiyada kala Geddisan ee lagu kacay Warbaahinta Madaxa-bannaan

Hargeysa (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa warbixin sannadeed uu maanta soo saaray ku soo bandhigay tirada tacaddiyada kala geddisan ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kula kacday war-fidiyeennada ka hawl-gala warbaahinta noocyadeeda kala geddisan ee Somaliland.

Warbixintan oo ah mid sannadle ah oo Ururka ku soo ururiyo tirada gabbood-fallada lagu kacayo warbaahinta kala geddisan, ayaa u qorneyd sida tan:-

soljaUrurka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA isagoo ka duulaya ahmiyada iyo waajibaadka ururku u abuuranyahay oo ah inuu gabood u yahay suxufiyiinta iyo hayadaha warbaahinta Somaliland oo uu ilaaliyo xuquuqahooda kala duwan.

Sidaa darteed ururka SOLJA isagoo gudanaya xuquuqda suxufiyiinta ee madaxbanaanida iyo xoriyada hawl gudashada mihnadiisawaxaaSOLJA sanadkan dhamaaday ee 2013-ka uu diiwaan galiyay kiisas tiro badan oo isagu jiray xadhig,garaacis,iyo cagajuglayn,kuwaasoo loo gaystay ama lagu fuliyay hayadaha warbaahinta qaarkood iyo suxufiyiin ku guda jira hawl maalmoodkoodii shaqo,sidoo kale dhacdooyinkan ayaaisagu jiray qaar kiisaskoodamaxkamadi go,aan kazoo saartay oo laba kamida maxkamdii xadhig iyo ganaax ku xukuntay iyo qaar xadhig aan sharciyada waafaqsanayn loo isticmaalay.

 

Hadaba falalka suxufiyiinta ka dhanka ah ee sanadka 2013-ka dhacay ee soo gaadhay xafiiska ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA waxaa uu dhan yahay…54 weriyeoo kala ahaa 45 weriye oo la xidhay 9 weriye oo la garaacay iyo xarunta wargayska hubaal oo laba jeer albaabada loo xidhay lana qufushay… Kuwaasoo ururku badidooda ku guulaystay xal u helidiisamarka laga reebo dhacdadii u danbaysay ee wargayska hubaal, taasoo iyana ururku hawsheeda gacanta ku hayo hada .

 Dhacdooyinkaa kala duwan ee sanadka tagay lasoo darsay suxufiyiinta Somaliland, iyagoo faahfaahsan waxay u dhaceen sidan:

February:

waxa bishii labaad ee sanadkan la xidhay laba wariye oo kala ahaa2/2/2013Cabaara9:30 subaxnimo ayaawaxaa la xidhay weriye C/fataax Ismaaciil Caarshe oo ka tirsan wargayska madaxa banaan ee ogaalka dib markii uu waraysi iyo sawiro ka qaaday abwaano iyo fanaaniin ka cabanaya wasaarada warfaafinta iyo m/waynaha oo ka saaray xafiiskoodii waxa kale oo isna magalada wajaale 10,February,2013Maxamed Cadilaahi Qonbor weriye madaxbanaan ahwaxaa lagu xidhay saldhiga dagmada tog wajaale oo loo xidhay war uu shalay baahiyaywaraysigaasi oo uu la yeeshay taliyaha sir doon kadagmada tog wajaalemr jaamac boorama kaasi oo ku saab sanaa askar ka tirsan booliska somaliland ee ka hawl gala kastamka wajaale oo utalabay dhinaca Ethopia.

 

March:

waxa bishii 3aad laxidhay sadex wariyo oo kala ahaa 01 march,201312:00 am kii duhurmino waxaa magaalada caynabo lagu xidhaymaxamed aadan dirir oo ka tirsan televationka Somali chaneltaas oo lagu eedeeyay in uu jeelka xoog ku galay oo uu waraysi ka qaaday dad maxaabiisataas oo amarka xadhigiisa bixiyay taliyaha qaybta boliska

Arintaas oo SOLJA kala hadashay inaanay macquul ahayn in weriye aan hub sidani aanu xoog ku gali Karin jeel ay askar hubaysani ilaalinayso

Intaa kadib waxaa weriyahaasi dib xoraydiisii loogu soo celiyay oo lasoo daayay 11, March, 2013 waxa isna sidoo kale 18,March,2013Waxaa lagu xidhay magaalada badhan weriye C/naasir khaalid Siciid oo ah weriyaha magaalda ceerigaabo uga soo warama tv-ga Somali chanel taas oo xadhigiisa uu ka danbeeyay badhasabka gobolka badhan, waxa Iyana sidoo kale 28,March 2013 Waxaa la xidhay 9-kii subaxnimo weriye khadar maxamed xasan oo ka tirsan televation-ka somalisat ka dib markii ay ka cadhootay war uu sii daayay hayada ayoda oo awood badan ku leh gobolka awdal waxaana lasoo daayay maalintii danbe.

 

April:

Sandakan waxay ahayd bishani mid taariikh gaar ah u lahayd waayo waa bishii niman boolisa oo af ka soo duubtay aysoo weerareen xarun wargeys, 4,April,2013Waxaa magaalada Boorame lagu xidhay markii labaad weriye Khaddar Maxamed Xasan oo hadana ay xadhigiisa mar labaad amartay hayadaayodaWaxaana lasoo daayay malintii labaad ee 5/4/2013 waxa isgana sidoo kale 08/4/2013Waxaa magaalada Berbera lagu xidhay weriye Yaasiin Jaamac Cali oo ka tirsan ugana soo warama gobolka saaxiltv-ga universal iyo website-ka hadhwanaagka dib markii lagu eedeeyay war shir jaraaid ah oo ay qabteen odayaal iyo xilibaano golaha deegaanka berbera ka tirsan oo ka cabanayay wershada sibidhka ee m/wayne siilaanyo uu usoo qoray mulkiilaha dahabshiil maxamed siciid ducaale,halka soo qabashadiisana la amray weriyaha kaleee maxamed c/laahifaarax oo ka tirsan wargayska saxafi iyo televationka Somali chanel.

waxa isna sidoo kaleApril, 9, 2013Waxaa xabsiga Gabileyloo taxaabay weriye C/kariin Muxumed Cadeoo wargayska Hubaal uga soo warama Magaalada Gabilay amarka xadhigiisana waxaa bixiyay Maayarka Gabilay Mr. Shucayb Maxamed Muuse oo ka cadhooday war lagu baahiyay wargayskaa waxaana weriyahaa xoriyadiisii dib loogu soo celiyay 6 maalmood ka dib 15.4,2013 waxa kale oo laxidhay April.13.2013Waxaa Magaalada Hargaysa lagu xidhay xarunta C.I.D-dainta ay askarta (RRU)-du garaacday sadex weriye oo ka tirsan TV-ga Horn Cableoo lagu magacaabo

  1. MUKHTAAR MURSAL MAXAMUUD (XIIN)
  2. C/RASHIID ISMAACIIL CABDI (CAYNTE)
  3. MAXAMED DAA’UUD YUUSUF OO CAMERA-MAN

Taasi oo uu xadhigooda amray wasiirka macdanta iyo biyaha Xuseen Cali Ducaale kadib markii uu kula balansanaa inuu waraysi ka siiyo heshiisyo patrol qodis ah oo shirkado heshiis kula soo galay. Waxa iyagana April, 22, 2013Waxaa magaalada Hargaysa lagu xidhay laba weriye oo kala ah C/raxmaan C/laahi Muxumed(fantaastik) iyo C/qani Xasan Cilmi(dawlad)oo katirsan tv-ga bulsho cabaara 9-kii subaxnimoka dib markii ay wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta ay damceen inay warbixin ka diyaariyaandayac ka muuqday iyagoo isku dayay inay wasiirka waraysika qaadaan ayna u suurto gali wayday ayay askartii wasaarda oo la tuhunsanyahay inuu wasiirku xadhigooda kusoo amray u qaadeen saldhiga dhexe ee magaalada hargaysa oo ay ku xidhnaayeen ilaa 5-tii galabnimo oo lasoo daayay. Waxa weerar hubaysan lagu qaaday April 24 2013Cabaara 11; 30 habeenimo waxaa weerar hubaysan lagu soo qaaday xarunta wargayska Hubaal ee Magaalada Hargaysa taas oo ay fuliyeen laba nin oo afka duuban oo ku hubaysnaa baastoolado iyo budhadh ay dhaawac ugu gaysteen Maareeyaha Wargayska m

Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo Maxamed Muxumed Farad oo midkooba gacani jabtay labadaa nin oo mid kamida ay qabteen halka kii kalena uu ka baxsaday oo sida la sheegayna ka laqabtay iyo ka maqanba inay yihiin askar bilayska somaliland

 

May:

waxa bishan shanaad laxidhay 2wariye oo kala ahaa May 11,2013Cabaara fiidkii waxaa Magaalada Hargaysa saldhiga sheikh nuur lagu xidhay weriye C/casiis Bashiir Nuur oo ka tirsan shabakada wararka ee Xogreeb kaas oo amarka xadhigiisa uu bixiyay taliyaha saldhigaa oo ka cadhooday war laga qoray ciyaal budhcada oo xaafadaa ka dilaacay waxaana lasoo daayay aroornimadii danbe. Waxa isagana May, 20, 2013Waxaa Magaalada ceerigaabo lagu xidhay weriye madax banaan oo magaciisa la yidhaa Axmed Yuusuf Taraafiko oo baahiyay war maamulka khaatumo ku xusayay maalinta nadaafada waxaan amarka xadhigiisa bixiyay badhasaabka gobolka sanaag waxaa xidhnaa mudo ayaamo ah

 

June:

waxa bishan lixaad laxidhay hal wariye iyo xarun wargeys June 2, 2013Waxaa xabsiga Magaalada gabilay lagu xidhay weriye C/rashiid Muxumed Qalinle oo ah Farshaxan sawir gacmeed ku sawiray raashin mucaawino ah oo dawlada Turkigu ku caawisay Somaliland oo la musuqaywaxaana soo dacweeyay oo xidhay ganacsade bakhaar ku leh magaalda Gabilay oo iibiniyay raashinkaa mucaawinada ah oo ku dacwooday sawir Cartoonka inuu ku jiro qof u muuqaal eeg. June-11-2013 Waxaa xayiraad albaabada loogu xidhay xarunta wargayska Hubaal ka dib markii xeer ilaalinta guud ee Somaliland kasoo dalbatay ,Maxkamda Gobolka Hargaysa kaas oo gudoomiyaha maxkamada gobolka Faysal Dhagadhago uu amar xayiraada kasoo saaray oo ilaa hadana aan wargayskii la daabicin

 

 

July:

waxa bishii todobaad laxidhay 5 wariye halka laba kamida jeelka lageeyay waxayna kala ahaayeen3 July 2013Waxaa Jeelka loo taxaabay maareeyaha Wargayska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (caloolay) iyo tafatiraha wargayska hubaal Xasan Xuseen C/laahi (keef-keef) ka dib markii uu garsoore cisman fanax oo ka tirsan maxkamada Gobolka ee Hargaysa uuku riday xukun hal sano iyo labo sano ah iyo lacag ganaaxa oo midkiiba laba milyan oo shilling Somaliland ahIyadoo maalin kadib damaanad lagu soo daayay labadaa suxufi ,markii racfaan laga qaatay kiiskaas oo makamada racfaanka laga damiintay, waxa sidoo kale 18.july.2013Cali idiris faarax (cali xajar) oo ka hawl gala TVga SOMALI CHANEL waxa lagu xidhay magaalada saylac waxaana xadhigiisa amray taliyaha ciidanka ilaalada xeebahaee aaga saylacwaxaana lasii dayay 24/jully/2013. Waxa Iyana 20.jully.2013Fahiima yaasiin muuse oo ka howlgasha TVga UNIVERSAL iyo shabakada caanka ah ee oodweynenews.com masuuliyinta heer dagmo iyo heergobol ay caga juglayn iyo jidhdil ugu gaysteen askarta ilaalada u ah iyadoo wariye fahiima ku gudo jirta howleheeda shaqo xarunta gobolkaas ee boorama. Waxa kale oo 31- July-2013 waxaa saldhiga dhexe ee Magaalada Saylac lagu xidhay Wariye Cabdisamad maxamed c/laahi dugsiiye oo TVga Universal ka tirsan kadib markii uu warbixin biyo la aana oo haysatay Magaalada Saylac kusoo quray Wargayska Waheen , isla maalintii waa la sii daayay.

 

August:

waxa bishii sideedaad laxidhay 2 wariye halka midna jidhdil loogu gaystay waxayna kala ahaa yeen 18 August 2013cabaaro 10 kii subaxnimo waxaa Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargaysa lagu xidhay Wariye Cabdiraxman Cabdilaahi Cisman oo ka tirsan shabakada wararka ee Ramaas iyadoo lagu eedeeyay sawiro uu ka qaaday Haween ka hor mudaharaadaaye Madaxtooyada Somaliland kuwaas oo ahaa Haweenkii aykadhinteen Mujaahidiintii waawaynaydAfar kamida iyagana Saldhiga dhexe ayaa lagu xidhay.Xooghayaha Soljo ayaa Saldhiga Dhexe ka soo daayay, Wariye Cabdiraxman cabaaro 10kii Habeenimo. Waxa isna sidoo kale 24 August 2013waxaa magaalada Borama lagu xidhay Wariye Maxamed Cabdilahi Xuseen(Dabshid ) kadib markii amarka xadhiga uu bixiyay Gudoomiyaha Awdal oo ka xanaaqay warar musuqmaasuq oo laga qoray laguna baahiyay Cadceed sidoo kale wariyahan oo ushaqeeya Kalsan TV waxaana la soo daayay 6dii maqribnimo,waxa isgana 28-augest 2013waxaa ciidamada RRU ay ku garaaceen magaalada hargaysa weriye c/qaadir xuseen nuur dacar oo ka tirsan idaacada radio hargaysa ka dib markii ay ku jiidheen gaadhi bus oo ay wateen ciidamada rru gaadhi uu watay weriyuhu isagoo marayay wadada hor marta wasaarada beeraha kadibna markii uu weriyuhu ka dabatagayee uu doonay inuu kala hadlo khasaaraha ay gaadhiiyeeniyo in ay u sameeyaan gaadhigiisa ,ayay gaadhigii ay wateen intay ku rideen ku dhex garaaceen iyagoo gaadhsiiyay jugo badan sidaas oo uu u xaqiijiyay oodweyne news oo markii lasoo daayaywaraysatay

 

 

September:

waxa bishii sagaalad laxidhay 4 wariye oo kala ahaa 6 –Sept- 2013cabaaro 5tii galabnimo waxaa Saldhiga dhexe ee Magaalada Laascaanood lagu xidhay Wariye Maxamed Shaqale Cashuur oo TVga Somalisat ua soo warami jiray Magaalada Laascaanood waxaana amarka xadhiga bixiyay Taliyaha Sirdoonka Gobolka Sool isagoo ku eedeeyay inuu sii daayay warar Maamulka Khaatumo ku dhaleecaynayaan Maamulka Puntland, waxaana lasoo daayay 7dii September cabaaro 11:40 daqiiqo kadib markii Xooghayaha SOLJA iyo Taliyuhu wada hadleen. Waxa iyadana 19- Sept- 2013cabaaro9kii subaxnimo waxaa Magaalada Baligubadle lagu xidhayWariye Cabdiqani Cabdilahi Axmed (Asproo)kadib markii uu sawiro ka qaaday dhalanyaro uu ku amrayo Taliyaha Saldhiga Baligubadle Jamal Cabdi Jugux inay qasab sacabka ugu tumaan Madaxwayne Siiraanyo oo Magaalada Baligubadle booqday waxaana Wariyaha lasoo daayay Afartii galabnimo . waxa kale oo 19 Sept 2013waxaa Magaalada Laascaanood lagu xidhaycabaaro 6:30kiifiidnimo laba Wariye oo kala ahaa Aaden Maxamed Jamac( Karaama ) oo katirsanaa Universal TV iyo Maxamed Shaqale Cashuur oo ka tirsanaa Somalisat TV uga soo warama Laascaanood waxaana amarka xadhiga bixiyay Taliye Xigeenka Qaybta Booliska ee Gobolka Sool oo ku eedeeyay warar Taleex ka hadlaaya inay sii daayeen waxaana lasiidaayay cabaaro8:30kii fiidnimo markii ay wada hadleen Taliyaha Qaybtaiyo Ururka SOLJA .

 

October:

 

Waxa bishii tobnaad laxidhay sadex wariye iyo mid la garaacayoo kala ahaa 1/Octcabaaro 9kii subaxnimo waxaa magaalada Laascaanood lagu xidhayAaden Maxamed Jamac (Karaama) oo uu amarka xadhiga bixiyayXooghayaha Dawlada Hoose ee Laascaanood, sidoo kale isla 2dii duhurnimo lagu xidhayWariye Maxamed Shaqale Cashuuroo katirsan TVga Somalisat oo isagana amarka xadhiiisa uu bixiyay isla Xooghayaha Dawlada Hoose ee Laascaanood oo ka xanaaqay warar ay dadwaynaha Lascaanood kaga cabanayaan Xooghayaha Dawlada Hoose, waxaana la soo daayay Maalintii Labaad ee 2- Oct- 2013 cabaaro 12kii duhurnimo kadib markii ay Wariyayaasha Laascaanood dhexdhexaadiyeen Xooghayaha iyo laba Wariye.

waxa bishii tobnaad laxidhay laba wariye oo kala ahaa 2-octoberwaxaamagaalda saylac lagu xidhay weriye cabdisamadmaxamed c/laahi dugsiiyeoo ka tirsan tvga universal waxaana lasoo daayay cabbara12-kii duhurnimo, waxa isgana 28-octoberwaxaa magaalada hargaysa askari boolis ahi ku garaacay oo waliba nabaro wajiga ah u gaystay weriye bmaxamed axmed muuse guraaseoo ka tirsan televationka HCTV.

 

November:

Waxa markaliya lawada xidhay bishan 11aad sadexwariye oo kala ahaa11 Novembercabaara 8-dii subaxnimo waxaa magaalada hargaysa lagu xidhay 3 weriye oo kala ah:

  1. KHADDAR MACALIN DEEQSAXANSAXO NEWSPAPER
  2. SICIID CABDI XUSEENSOMALILAND TODSAY NEWS PAPER
  3. AXMED CUMAR CABDI TIMOHUBAAL

Ka dib markii ay sawiro ka qaadeen dad danyar ah oo ay dawlada hoose ka rarayso suuqa dhexe ee magaalada hargaysa waxaana xadhigaa amarkiisa bixiyay taliyaha bilayska dawlada hoose4 saacadood kadib ayaa loosoo celiyay xoriyadoodii kadib markii ay waanwaan ka galeen koox suxufiyiin ahi.

 

December:

waxa bishan 12 aad laxidhay 12 wariye oo kala ah 2/Decemberwaxaa magaalda boorame lagu xidhay cali ismaaciil aare oo waaheen newspaper ka tirsan ka dib markii uu war ka duubay dad danyar ah oo barxada dawlada hoose oo boorame ka hor cabanayay taas oo amarka xadhigiuisa uu bixiyay maayarka boorame kaa soo Ilaa hada xidhan, waxa kale oo 3/Decemberwaxaa, magaalada hargaysa lagu xidhay 4 weriye oo kala ah

  1. SICIID KHADDAR C/LAAHI MADAXA WARARKA EE BULSHO TV
  2. XASAN MAAL DHIDAR CAMERA MAN OF UNIVERSAL TV
  3. C/SALAAM C/RASHIID CALICAMERA =MAN BULSHO TV
  4. C/CASIIS BASHIIR NUURXOGREEB WEBSITE

 

Iyagoo wax ka duubaya suxufiyiin iyo ururka SOLJA oo jka mudaharaadayay xumaansho ay ka xun yihiin siidaynta xukuumada Somaliland kusii daysay askarigii hubka kusoo weeraray bishii april 2013 xaarunta wargayska hubaal ee magaalada hargays a iyadoo ciidamada bilaysku ka qaadeen sadex kamaradood oo weriyayaashu ay wax ku duubayeen taas oo sida c/raxmaan fooxle taliye xigeenka booliska Somaliland noo cadeeyay amarka xadhiga 4 weriya uu bixiyay ta;iyaha ciidamada bilayska Somaliland c/laahi fadal iimaan, Sidoo kale saldhiga dhexe magaalda hargayska oo ay ku xidhnaayeen ayaaaskarta booliska maxkamada gobolka uga soo qaateen afarta weriye 6/12/2013 tododba cisho oo xadhig xalaalayn ah ama rumaan

Waxaa 9/12/2013 kowdii duhurnimo weriyayaasha damaanad ku daayay fadxiya xuseen jaahuur oo ah gudoomiyaha komishanka xuquuqal insaanka qaranka iyo samsam cabdi aadan wasiirka waxbarashada Somaliland. Waxa isagana 6/Decembarwaxaa maxkamada gobolka hargaysa askartii ku garaaceen weriye c/rashiidsheikh cabdisalaan oo ka tirsan wargayska fore isagoo sawiro ka qaadaya afartii weriye oo maxkamada la keenay iyadoo la xidhay inkastoo markki danbe lasoo daayay laakiin uu taliyaha cid somalilamd kamaradii ka qaaday. Waxa iyagana 9/December cabaara 11:30 waxaa kaantaroolka haleeya laga xidhay afarta weriye ee kala ah:

  1. CALI XUSEEN SUGULE UNIVERSAL TV
  2. C/RASHIID C/WAHAAB XUSEENUNIVERSAL TV
  3. FAYSAL MAXAMED AADANROYAL TV
  4.  NAJIIB C/LAAHI COLAADBULSHO TV

 

Kuwaas oo war kazoo duubay odayaasha deegaanka jaleelo oo wasiir ku xigeenka amniga Somaliland c/laahi abokor ay kaga cabanayeen faro galin lagu sheegay inuu bedelay gudidii deegaanku u doorteen deegaankaa oo kuwo kale isagu magacaabay

Weriyayaashaa oo askartu ku xidhay dibna ugu celisay saldhiga bilayska dacarbudhudh amarka xadhigoodana waxaa bixiyay wasiir ku xigeenka amniga, waxa sidoo kale laweeraray lana xayiray xafiiskii wargeyska madaxa banana ee HUBAAL iyodoo ciidamada loo tababeray ka hortaga argagixisada loo isticmaalay waxay qafaasheen laba kamida shaqaalaha xarunta wargeyska oo kala ahaa Mustafe maxamed c/laahi iyo Cismaan Ahmed Cisman,Ciidamadda ayaa xidhay koonayaasha xaruntaasi oo ku taala Xaafadda Goljano, waxaanay mudadii ay hawgalka ku jireen ay xayireen dhaqdhaqaaqii dadka shicibka ahaa ee mari jiray dariiqa hor mara wargeyskaasi.13/December ilaa imika waxa qafaalasho ku jirta xaruntii oo wali ciidan ku hareeraysan yaahay waxaana ilaa madbacadaha iyo wargaysyada kale ee dalka loo qaybiyay saxaafada wareegto lagu farayo in aan ladaabici Karin wax ku saabsan HUBAAL 2 cisho ka dib ayaa lasoo daayay labadii hawlwadeen

20/12/2013 waxaa magaalada laascaanood lagu xidhay weriye c/qani ismaciil goox oo ka tirsan televation-ka somalisat waxaana xadhigiisa amray maamulka gobolka sool waxaana lasoo daayay 21,12,2013 galinkii dande.”