Ujeeddada Kulan Dhexmaray Ururka Qareennada ee SOLLA iyo Guddoomiyaha Dalladda SONSAF

Hargeysa (SLpost)- Hoggaanka Ururka Qareennada Somaliland ee SOLLA ayaa maanta kulan arrimo dhowr ah lagaga hadlay kula qaatay Guddoomiyaha Daladda ay ku midaysan yihiin Ururrada aan Dowliga ahayn ee SONSAF.

Kulanka oo ku qabsoomay Xafiiska Guddoomiyaha SONSAF Anwar Cabdiraxmaan, waxa dhinaca Ururka Qareennada ka socday Guddoomiye ku-xigeenka SOLLA Mukhtaar Daahir Jibriil, Xoghaya Guud ee Ururka Garyaqaan Xuseen Maxamuud Fadal iyo Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Xidhiidhka iyo Wacyi-gelinta Ururka Garyaqaan Daahir Maxamed Faarax Ciyaale.

Kulanka oo muddo saacad ku dhow qaatay, ayaa ujeeddadiisu ahayd sidii loo dardargalin lahaa hawlaha iskaashi ee Dalladda ururada aan dawliga ahayd ee SONSAF iyo ururka qareenada Somaliland oo xubin ka ah isla markaana wada-shaqayni ka dhaxayso daladda.

Hoggaanka Ururka SOLLA oo horaantii sannadkan loo doortay xilkaas, ayaa xilligan ku hawlan kor u qaadista Aqoonta iyo kobcinta xirfadaha Garyaqaannada si ay si madax-bannaan oo aqooni ku dheehan tahay ugu adeegaan bulshada Somailand.

Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA oo ay ku midaysan yihiin inta badan Garyaqaannada ka halw-gallada maxkamadaha Somaliland, ayaa wada-shaqayn la leh hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee dalka, waxaanu diyaariyey sharci-yaqaanno si lacag la’aan ah ugu dooda Dadka danyarta ah ee kiisasku ka galaan Maxkamadaha.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net