Ujeeddada Kulan Ballaadhan oo Hargeysa ku dhexmaray Dowladaha Somaliland iyo Ethiopia

 

Hargeysa (SLpost)- Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Somaliland ee magaalada Hargeysa, waxa maanta ku qabsoomay kulan ballaadhan ku yeeshay Wefti ka socda Dowladda Itoobiya iyo Masuuliyiinta ugu sarreysa hay’adaha ammaanka ee Somaliland.

Kulanka oo aanay warbaahintu goob-joog ka ahayn isla markaana ay isku-kaliyeysteen masuuliyiinta labada waddan, ayaa ujeeddiisa lagu sheegay in lagaga wada-hadlay sii xoojinta ammaanka labada waddan.

War-qoraal kooban oo lagu shaaciyey kulanka iyo ujeeddiisa, ayaa kulanka kaddib lagu baahiyey Ciwaannada Baraha Bulshada ee Wasaaradda Arrimaha JSL, waxaana qoraalka lagu sheegay In ujeeddada kulanku ahaa mid lagu xoojinayo ‘amniga Bariga Afrika’, gaar ahaan dalalka ammaanka xuduudka ay wadaagaan Somaliland iyo Ethiopia.

Kulanka oo sida la sheegay muddo saacado ah qaatay, ayaa labada dhinac ku gorfeeyeen isla markaana iskula qaateen sidii wada-jir uga wada-shaqayn lahaayeen xoojinta Amniga maadaama labada dowladood wadaagaan xuduud dheer oo ay shacabka reer Guuraaga ah ee labada waddanba Isaga gudbaan xuduudka, gaar ahaan dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Kulanka waxa dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland uga qayb-galay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Wasiirka Gaashaan-dhigga JSL, Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL, Taliyaha Ciidanka Asluubta JSL,Taliyaha Laanta Socdaalka JSL, Taliye ku-xigenka Ciidanka Booliska JSL iyo Safiir ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Ethiopia.

Dhinaca dalka Ethiopia, waxa kulanka uga qayb-galay Hoggaanka Nabadgalyada DDS Dr Xuseen Xaashi Cilmi, Taliyaha Guud ee Ciidanka gaarka ah ee Liyuu Booliska, Genaraal Maxamed Axmed Muxumed, Wasiirka Xafiiska Waraabka iyo Dooxooyinka DDS Cabdiraxman Iid Daahir, Taliye ku-xigenka Ciidanka Difaaca ee Bariga Ethiopia iyo Xubno kale.

Somaliland iyo Ethiopia oo wadaaga xuduud ballaadhan, ayaa si wada-jir ah uga shaqeeya amniga labada dhinac, iyadoo masuuliyiinta labada dowladood sannadkiiba dhowr jeer kulamo kala duwan ka yeeshaan qorsheyaal lagu xoojinayo amniga labada dhinac.

Kulamada oo inta badan heerarka masuulyiinta ka qayb-gala kala duwan yihiin, haddana kulankan, ayaa noqonaya kii ugu miisaanka cuslaa muddo sannado ah oo labada dhinac kaga arrinsadaan xaaladaha amniga ee mandaqadda, gaar ahaan xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia, maadaama ay weftiga dhinaca Ethiopia la socdaan Saraakiishii ugu sarreysay dhinaca amniga u qaabilsan Bariga dalkaas oo dhaca xuduudka Somaliland.

Ciidamada sida Milatariga u tabobaran ee Liyuu Boolis oo ka hawl-gala Dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia, ayaa inta badan si ogeysiis la’aan ah ugu soo tallaaba dhinaca xuduudka gudaha Somaliland oo ay hawl-gallo kala duwan ka fuliyaan, iyadoo ay cabasho ka muujiyaan bulshada reer Guuraaga ah ee ku teedsan xuduudka dalka, waxaana la filayaa in arrintani xagga hore kaga jirto qodobbo ay Somaliland kala hadashay masuuliyiinta dowlad-deegaanka iyo saraakiisha ugu sarreeya dhinaca Amniga Bariga dalka Ethiopia.

Wasiirka Arrimaaha Gudaha Somaliland
Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland
Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL

 

Masuuliyiinta Dowladda Ethiopia

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net