Tog-Wajaale: Ciidamada Ammaanka oo Hawl-gallo ballaadhan ka fuliyey Hoteellada la seexdo iyo diyaar-garowga Xuska 18 May

rashiidTog-Wajaale (SLpost)- Ciidanka Laanta Socdaalka Degmada Tog Wajaale ayaa baadhitaano,ku sameeyay huteelada waaweyn ee la seexdo Gudaha Magaalada Tog-Wajaale.

Baadhitaannada oo Ciidamadu ay ku hubinayaan aqoonsiga iyo ogaanshaha dadka martida ku ah Degmada Tog-Wajaale ayaa, kusoo beegantey in xaalada amaanka lasii adkeynayo ka hor Munaasibada Xuska Maalinta qaranimada Somaliland ee 18ka May.

Ciidamada Socdaalka Tog-Wajaale oo kaashanaya labada ciidan qaran ee Booliska Saldhiga Degmada iyo Ciidamada Qaranka ee nawaaxiga Dhulbeereedka Mashruuca Tog-Wajaale waxa ay dhoolatus iyo kormeer xaalada amaanka ah ka sameeyeen Gudaha Magaalada gaar ahaana Huteelada waaweyn oo ay ka hubinayaan dadka sharciga kusoo galay dalka iyo kuwa bilaa sharciga ku jooga.

Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Gaashaanle Cabdirashiid Xaaji Axmed Xasan waxa uu xusay, in hawl-gallada baadhitaanada lagu sameeyey ay la xidhiidhaan xoojinta ammaanka islamarkaana,ay ugu gogol xaadhayaan xuska 18ka may taas oo xafiiskoodu sanad walba xiligan oo kale ka howlgalaan marka ay 18ka may soo dhawaato.

“Howshani Waa hawlgal baadhitaan oo aanu ku xoojinayno arrimaha nabadgalyada dalka gaar ahaan Magaalo Xuduudeedka Tog-wajaale oo ah Magaalo inta badan kulmisa dad fara badan oo ka kala yimaada dalalkadariska iyo Konfurta Soomaaliya, iyo meelo badan oo kale, waxaana baadhista ka qayb qaadanaya dhamaan laamaha amniga ee ciidamada khaasatan ciidanka laanta socdaalka Tog-Wajaale Ciidanka Saldhiga Degmada Booliska wajaale iyo ciidanka qaranka mashruuca Tog-Wajaale oo aanu xoojin ahaan uga codsanay in ay nagala qaybqaataan hawlgaladan aanu ku xoojinayno amniga waana hawlgal socon doona mudada gaaban ee ka hadhay xuska sanad guurada 24naad ee Somaliland waxaananu howlgalkan ka fulinay dhamaan 14 ka huteel hurdo ee ku yaala Magaalada Tog-Wajaale oo aanu qolqol u baadhnay waana hawlgan iska caadi ah oo aanu inta badan ciidan socdaal ahaan samayno anaga oo kaashanayna Ciidamada kale ee amaanka ka fulino huteelda Hurdada,”ayuu yidhi Taliyuhu.

Waxa kale oo uu Taliyuhu sheegay in gabi ahaanba ay xidhi doonaan Xuduuda ay Somaliland lla wadaagto dalka aynu dariska nahay ee Itoobiya dhinaca safarka iyo socdaalka Dadweynaha lixda fiidnimo ee habeen dambe, ilaa maalinta Isniinta ee 18ka may wixii ka dambeeya 12ka duhurnimo,taas oo la xadidayo guud ahaanba socodaalka Gaadiidka, oo aaney jiridoonin sida uu hadalkiisa u dhigay wax baabuur ah oo kabaxa ama soo gala wajaale marka laga reebo baabuurta sida khudrada caanaha iyo jaadka.

Waxa kae oo uu gagabadii hadalkiisa ka codsadey Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley ee fadhigoodu yahay Tog-Wajaale, dhamaan dad waynaha reer Tog-wajaale in ay la shaqeeyaan ha,ayadaha amniga oo ay wax kasta oo ay ka shakiyaan la soo xidhiidhaan laamaha amniga Tog-Wajaale iyo Xafiiska Socdaalkaba.

Somalilandpost.net