Telefishanka Universal oo mar kale dib uga hawl-galaya Somaliland iyo maamulka Guud oo Raalli-gelin ka bixiyey Barnaamijyo Xukuumaddu Aflagaaddo Qaran ku tilmaantay (DAAWO)

Hargeysa (SLpost)- Maamulka telefishanka UNIVERSAL oo xaruntiisa guud tahay magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa xukuumadda iyo Shacabka Somaliland ka raalli-geliyey barnaamij laga baahiyo telefishankaas oo aflagaaddo iyo meel-ka-dhac loogu geystay madaxda Somaliland oo uu ku jiro madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Telefishanka UNIVERSAL, ayaa bilaabay barnaamijyo liddi ku ah isla markaana uu kula dagaalamayo Somaliland, ka dib markii xukuumaddu kala noqotay Liisankii ganacsi ee telefishankaasi kaga hawl-gali jiray Somaliland horaantii sannadkan, taas oo ka dambaysay markii uu telefishanku baahiyey warar dhaawac ku ah qaranimada Somaliland.

Telefishanka Universal oo mar kale dib uga hawl-galaya Somaliland iyo maamulka Guud oo Raalli-gelin ka bixiyey Barnaamijyo Xukuumaddu Aflagaaddo Qaran ku tilmaantay (DAAWO)Mulkiilkiilaha telefishanka Universal Axmed Abuukar oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay taalli-gelin ka bixinayaan barnaamijyo lagu baahiyey telefishanka oo xukuumadda Somaliland ku tilmaantay inay meel ka-dhac ku ahaayeen qaranimada Somaliland, waxaanu rejo ka muujiyey in telefishanka UNIVERSAL oo aan dalka ka hawl-galin muddo Todoba bilood ay mar kale xukuumaddu ka ogolaato inay dib-uga hawl-galaan Somaliland.

Marka laga yimaaddo hadalka uu mulkiilaha telefishanka Universal ka sheegay warbaahinta, madax-dhaqameed iyo siyaasiyiin u dhashay Somaliland iyo qaar ka soo jeeda dalkaasi Soomaaliya, ayaa dhex-dhexaadin ka dhex-waday maamulka telefishanka iyo Madaxtooyada Somaliland iyo Wasaaradda warfaafinta oo lagu guulaystay, xukuumadduna ogolaatay in mar kale telefishanka Universal ka hawl-galo Somaliland, Isla markaana raalli-gelinta maamulku ka bixiyey khaladaadka xukuumaddu ka tirsatay barnaamijyada ay ku baahiyeen telefishanka uu yahay mid ka soo baxay kulamada dhex-maray labada dhinac.

Sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca xukuumadda Somaliland oo ka hadlaya go’aanka telefishanka loogu ogolaaday inuu mar kale ka hawl-galo dalka.

HALKAN HOOSE KA DAAWO RAALLI-GELINTA MAAMULKA

Dhinaca kale, raaligelinta maamulka telefishanka UNIVERSAL, ayaa ku soo beegmaysa dhowr maalmood ka dib cudur-daar iyo raalli-gelin uu shacabka iyo dawladda Somaliland, gaar ahaan madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiir Cukuse uu ka dalbaday Daadidyihii Barnaamijka FAALIYAHA QARANKA Cabdi Mawliid (Ajakis) oo ah majaajilayste si weyn looga yaqaano dhulka Soomaalidu deggan tahay, gaar ahaan Koonfurta dalkaasi Soomaaliya.

HALKAN HOOSE KA DAAWO RAALLI-GELINTA AJAKIS