Talo: Bilicdana u dan ah, bulshada u dan ah

 Hordhac

Waa dhaqan aynu qaayibnay, in muddo kolkii la joogo ba la dumiyo dhismeyaasha cooshadaha meheradaha ah ee sharci darrada ku deggan hareeraha jidadka waaweyn ee magaalooyinka. Cagafta arxanka daran ee xaaqda buulasha iyo jiingadaha foosha xun, danyarta iyo dawladda hoose midna dan uma aha sababahan awgood:

In aan kolka hore qorshe laga lahayn duminta dhismeyaasha, 2. In aan joogtayni jirin oo aroor iyo laba ay ku egtahay, 3. In kolka la dumiyo aan qurxin iyo qaabayn midna la sameyn, balse bilic xumo kale ay soo kordhiso, 4. In danyar badani ku bariis weydo maalmahaas.

Sababan iyo kuwo kale awgood, duminta dhismeyaasha jidadka hareerohooda/dhexdooda ku yaal, danyarta ku jirta iyo dawladda hoose midkoodna dan uma aha.

Maxa la gudboon dawladda hoose?

Hoggaanka dawladda hoose oo adeegsanaya guddoomiyeyaasha degmooyinku waa in ay ugu horrayn sameeyaan diiwaangelin rasmi ah oo lagu ogaanayo tirada dhisme/cooshado ee jidadka sida qaabka daran u deggan. Sidoo kale in la siiyo baadisooc (ID Cards) sheegaysa nooca ganacsi, degmada/xaafadda, baaxadda ganacsiga iyo xogta mulkiilaha. Sidaas oo kale waa in xogtani ay noqoto mid sugan oo aan male awaal ahayn, kuna keydsan meel ilaashan.

In dawladda hoose u samayso guddi maamusha ganacsatadan cooshadaha ah si loo hubiyo in cid cusubi aanay ku soo biirin, inta la fulinayo qorshaha lagu rarayo ee lagu meelaynayo kuwaa hore. Sidoo kale in bulshada waddada ku hareer ganacsataa u ogaato heerarka hawlgalka.

In qorshe dhammeystiran oo lagu raro loo sameeyo ganacsatadan tusaale ahaan:

In la abuuro suuqyo xaafadeed leh goob cayiman oo loo raro dhammaan ganacsatada danyarta u badan.(Tan oo dhaqaale ahaan ay iska kaashan karaan, ganacsatada, dawladda hoose, shacabka degmada iyo dawladda dhexe haddii loo baahdo).

In la sameeyo dhisme aan rasmi ahayn (Temporary building), quruxsan oo si nidaamdsan u raacsan waddada kaas oo yarayn kara bilicxumada iyo cidhiidhiga waddada la saarayo.

iii. In bulshada lagu wacyigeliyo in ay aadaan suuqyada u dhow si loola qabsado tegidda suuqyada oo looga yareeyo jid wax ka iibsiga.

In ganacsiyada jidadka u dhow ee sharciga ah, dawladduna lahayn dhismaha, ka cashuur bataan kuwa ku jira dhismaha suuqa dawladda – tani waxa ay keenaysa in la isugu yimaaddo suuqyada ay dawladaha hoose dhisaan iyo in waddo ku ganacsiga laga cararo.

In kab dhaqaale oo ku xidhan baaxadda ganacsi ee qofka, la siiyo iyada oo la sameynayo guddi qiimeysa heerka isticmaalka suuqyada.

In la mideeyo ganacsiyada aadka u yaryar ee midoobi kara si loo beekhaamiyo boosaska.

Qorshahaasi kolka uu fulo in la bilaabo dumin habsan oo lagu rarayo dhismeyaashaas sharci darrada ah. Isla markaasna ay dawladda hoose bilawdo ballaadhinta waddooyinka, samaynta waddo cageedda hareer marta waddada baabuurta, biyomareenka iyo tabbeellayaasha waddooyinka.

Maxaa la gudboon Bulshada?

  In la baddalo habdhaqan iyo nidaam bulshadu la qabsatay waa mid hawl iyohagardaamo badan. Sidaas awgeed in ay si dhow ula socdaan maamulka dawladda hoose iyo ka degmadaba. Sidoo kale ay dulqaataan culaysyada ka imanaya isbeddelkaas.

In ay ganacsatadu – dhexdooda sida ay u kala jeeb roonyihiin- isku taageeraan si loo gaadho ujeeddada wayn ee ah in loo abuuro dhismeyaal rasmi ah.

In meel wal oo laga raray buul/cooshad/jiingad oo waddada u dhawayd nadiifin iyo dib u habayn uu ku sameeyo mulkiilaha ay ku hortaallay.

Gebogebo

U danaynta danyarta iyo daryeelidda bilicdu waa waajib isa-sudhan ah oo ay tahay in aan midna laga tegin. Sidaas awgeed talada kor waxa aan u arkay in ay labadaba dan u tahay-tu ka sii habboona waa la heli karaa. Khasab ma aha in mar la wada sameeyo, marba degmo/xaafad/jid ayaa lagu fulin karaa.

In kasta oo talooyinka ku salaysan aragtideyda ee kor ku xusani u ekaan karaan kuwo adag, haddana ma jiro wax aan suurogal ahayni. Hawlo intan ka badan ayeynu shacab iyo dawlad ahaan ba soo qabannay. Wax wal oo la go’aansado in la hirgeliyo, dhib badani ba ha ka sokayso’e, waa la samayn karaa.

Qalinka: Saddaam Xuseen Carab

Saddamcarab@gmail.com