Taliyihii Qaybta booliska Sool oo la beddelay iyo Jawaabta Odayaasha reer Laascaanood

Laascaanood (SLpost)- Ka dib markii la bedelay Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Sool, ayaa waxa taas ka hadlay oo ka biyo-diiday qaar ka mid ah odayaasha degaanka Laascaanood.

Siday sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Laascaanood, bedelaada taliyahaas waxay dadka qaarkood u arkaan inay tahay talaabo  ka hor-imanaysa, wiiqaysana amniga Laas-caanood oo ay sheegeen in mudadii uu taliyahaasi joogay wax wayni iska bedeleen.

Oday Jaamac Xirsi oo ka hadlayay kulan ay shalay isugu yimaadeen qaar ka mid ah odayaasha Laas-caanood, ayaa sheegay inay sugayeen in xukuumadu qofka wax qabta abaal-mariso. Waxaanu intaa ku daray, “Horta anigu waxaan ahay nin wayn oo u dhashay gobolka Sool, waxaanan idiin sheegayaa in xukuumadu markii ay xilka la wareegtay balanqaaday inay dalka isbedel wanaagsan ku samaynayso, waanan uga fadhinay, laakiin jawaabteedii waxay noqotay in la bedelo cidii wax wanaagsan qabata-ba. Waxaad ogaydeen xaalada nabadgelyo ee magaalada Laas-caanood, laakiin markii la inoo keenay Taliyaha Qaybta Booliska Sool Cabdlilaahi Xaaji oo mudo kooban inala joogay, wuxuu ku guulaystay inuu hanto nabadgelyada magaalada Laas-caanood, waxaanu ahaa taliyaha keliya ee ku guulaystay inuu soo qabto qaar ka mid ah dadkii loo tuhunsanaa inay fuliyeen dilalkii dhacay Laas-caanood.” Oday Jaamac waxa uu sheegay in Taliyahaas xil-ka-qaadistiisa looga jeedo inaanay amaan noqon Laas-caanood. “Markaa waxaanu leenahay, hadii aanay dawladu doonayn wax wanaagsan cid qabata, hana daysoo yaanay na hodin.” Sidoo kale, Odayaal goobtaa ka hadlay ayaa la sheegay inay dhamaantood dhaliileen xil-ka-qaadista Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool.

Dhanka kale, inkasta oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno Taliyaha Booliska Somaliland, hadana noomay suuragelin inaanu arrintaa ka xaqiijino.

Somalilandpost.net

SP News Desk

Contact@somalilandpost.net