Taliyeyaasha Ciidamada Somaliland oo Shacabka u bushaareeyey, baaqna u diray Saddexda Murashax iyo Codbixiyeyaasha

Hargeysa (SLpost)- Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland, ayaa shacabka iyo Xisbiyada Qaranka ugu baaqay inay si habsami ah uga qayb-qaataan Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo maalinta Berri ah looga dareerayo gobollada iyo degmooyinka dalka.

taliyeyaashaTaliyaha Guud ee Ciidamka Qaranka Sarreeya Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Maxamed Cismaan Xudhuun oo maanta si wada-jir ah ula hadlay warbaahinta, ayaa shacabka ugu bushaareeyey in ammaanka dalku sugan yahay inta Illaahay ka sokeysa, Ciidamada kala duwan ee dalkuna heegan ugu jiraan inay si habsami ah uga qayb-qaataan Doorashada.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE